Ciidanka Tigreega Oo Xoog Ku Galay Xarun Ay Leedahay QM, Bililiqana U Geystay

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ciidanka Tigreega ay bililiqeysteen 570,000 oo liitir oo shidaal ah, kadib markii ay si xoog ah kusoo galeen xarun ay leedahay ha’adda cuntada ee WFP oo ku taalla magaalada Mekelle, sida uu xaqiijiyay madaxa hay’addaas David Beasley.

“Bakhaarka Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Mekelle waxaa xoog ku galay ciidamada Tigreega, kuwaas oo qaatay 12 booyadood oo buuxa oo shidaal ah oo ay saaran yihiin 570,000 litir oo shidaal ah.
Kooxdii goobta joogtay kuma guuleysan inay ka hortagaan bililiqadaas” ay yiri afhayeen Xoghayaha Guud ee Qaramada Modoobay Stephane Dujarric oo bayaan kasoo saaray dagaalka kasoo cusboonaday Itoobiya.

“Waxaan cambaareyneynaa wax kasta oo bililiqo ah ama lala wareego badeecooyinka bini’aadantinimada ama goobaha bini’aadantinimo, waxaana ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada in ay ilaaliyaan waajibaadkooda sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada iyo in ay ixtiraamaan shaqaalaha, dhaqdhaqaaqa, hantida iyo badeecadaha” ayuu sii raaciyay.

Shidaalkan ayaa loogu tala galay in ay isticmaalaan gawaarida gargaarka bini’aadaminimo gaarsiisa dadka gobolka Tigreega.

Related posts

Raysal Wasaare Abiy Ahmed Oo War Ka Soo Saaray Safarka Madaxwayne Xasan Sheekh Ee Itoobiya

Bnnstaff Bnnstaff

Gudoomiyaha Maxakamada Sare Ee Somaliland Oo Ka Warbixiyay Dacwadihii Sanadkii 2020

Bnnstaff Bnnstaff

Qaramada Midoobay Oo Dacwada Ka Gudbisay Dalal Ay Ku Jirto Dowlada Somaliya Iyo Sobobta

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More