Borama News Network

Booliiska Ingiriiska oo xiray Dad isku dayay in ay is hor-istaag ku sameeyaan muhaajiriin laga tarxiili rabay Dalkaas.

Booliiska Boqortooyada Ingiriiska ayaa xabsiga dhigay 45 ruux oo dhammaantood isku dambi ah waxaana loo qabtay in ay sameeyeen isku day ku saabsan is hor-istaagga tallaabo lagu tarxiilayay dad si aanay sharci ahayn ku galay Dalkaas.

Qaar kamid ah Dadkaan ayaa bannaanbaxyo kooban ka sameeyay barxadda hore ee Hotel ku yaalla Koofurta Magaalada London ee Caasimadda Dalka Ingiriiska balse waxaa markii dambe kusoo baxay ciidamo booliis ah oo xabsiga dhigay tobaneeyo dad ah.

Ciidamada ayaa adeegsaday biyaha awoodda badan ee Dadka lagu kala eryo iyo gaaska dadka ilinta ka keena maadaama dibadbaxyaasha ay gubayeen taayiro & waxyaabo kale si loo kala raacdeeyo kaddibna gacanta lagu dhigo.

Dhowr askari oo katirsan Ciidamada Booliiska ayaa dhaawacyo fudud kasoo gaaray dhagax-tuur ay sameeyeen dibadbaxayaasha waxaana markii dambe goobta la geeyay ciidan dheeraad ah oo awood u adeegsaday dibadbaxyaasha.

Dowladda Ingiriiska ayaa dhaqaale badan waxa uu uga baxaa goobaha la dejinayo soogalooti aanay sifada sharciga ah kusoo galay Britain sidaas awgeed waxaa billowday qorshe dib loogu celinayo Dadkaas waddamo kala duwan sida Rwanda oo Heshiis la gashay London.

Xubno badan oo ah Mucaaradka Xukuumadda talada haysa ayaa diidan in si qasab ah dib loogu celiyo Dad sheeganaya duruufo kala duwan taasina ay tahay mid kale oo hanka ka jebinaya Dadkaas oo markii hore UK u arkayay in ay ka helayaan waxyaabaha ay doonayaan.

Related posts

Nasrallah: “Meel Israel ka mid ah kama badbaadi doonto gantaalladeena

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxweynaha Ukraine Zelensky oo ka badbaaday shirqool dil

Wasiir hore Goodax Bare ”Yaan Mar Dambe Lala Macaamilin Maamulkan Goostay Ee Rabay Inuu Dhulka Iibiyo

Abdiaziz Bnnstaff