Qaar Ka Mid Ah Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka Dalka Tanzania Oo La Xiray

Booliiska dalka Tanzania ayaa xiray dhowr axsaabta mucaaradka ka tirsan, oo uu ku jiro hoggaamiyaha xisbiga Chadema party, Freeman Mbowe, iyadoo maanta la filayo inay dalkaasi ka dhacaan dibadbaxyo.

Booliiska ayaa sheegay in siyaasiyiinta la xiray ay doonayeen inay carqaladeeyaan nabadda, iyagoo ka dibadbaxaya natiijada doorashooyinkii la qabtay toddobaadkii hore.

Xisbiyada Chadema iyo ACT-Wazalendo ayaa ku baaqay inay codsan doonaan doorashooyin hor leh.

Madaxweyne John Magufuli ayaa lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay 84% codadka doorashada. Xisbigiisa Chama Cha Mapenduzi (CCM) ayaa sidoo kale si aqlabiyad leh ugu guuleystay kuraasta baarlamaanka.

Madaxa booliiska magaalada ganacsiga Dar es Salaam, Lazaro Mambosasa, ayaa sheegay inan la oggolaan doonin dibadbaxyada maanta la qorsheynayo.

Wuxuu sheegay in qaar ka mid ah mucaaradka ay qabanqaabinayeen bannaanbaxyo rabshado wata.

Dadka kale ee la xiray waxaa ka mid ah xildhibaan hore oo magaalada Caruusha ah, Godbless Lema, iyo maayar hore Boniface Jacob.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Gaadhi Daad Qaaday Iyo Xaalka Dadkii Saarnaa Gaadhigaasi Daawo Siday Wax U Dheceen

Bnnstaff Bnnstaff

Tobannaan Qof Ayaa Ku Dhintay Isku Dhacyo Qowmiyadeed Oo Ka Dhacay Ee Hindiya

Dowladda Soomaaliya Oo Soo Saartay Dignin Ku Socota Shirkadaha Diyaaradaha

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More