Borama News Network

Dibadbaxyada Ka Dhanka Ah Xukuumadda Netanyahu Oo Sii Xooggaystay Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay.

Waxaa sii Xooggaysanaya maalinba maalinta ka dambaysa dibadbaxa ka dhanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu kaddib markii ay ku fashilantay soo furashada maxaabiista gacanta Xamaas ku jirta.

Dadka dibadbaxaya ayaa ku doodaya in Xukuumadda Netanyahu ay diiday wadahadalka lagu gaarayo heshiiska Maxaabiis is dhaafsiga iyada oo taas baddelkeed sheegtay in ay awood kusoo furan doonto Maxaabiista laga haysto.

Israaiil waxaa kusii kordhay dhiig-baxa xooggan ee ku socda askartooda oo maalin weliba laga diiwaangeliyo dhimasho & dhaawac horleh waana tan keentay in qoysas badan oo cusub ay ku biiraan dibadbaxyada socda.

Waxa ay dalbanayaan in wadahadalka xoogga la saaro halkii dagaalka diiradda ay saari lahayd Xukuumadda iyaga oo qaarkood gaaray heer ay Ra’iisul Wasaare Netanyahu u sheegaan in ay kula xisaabtamayaan Dadka laga haysto.

Dibadbaxayaasha ayaa Todobaadyo waxa ayay hor tuban yihiin xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israaiil iyo waddooyinka muhiimka iyaga oo shalay is hor istaagay Taliyaha ciidanka Sirdoonka Mosad si ay u waydiiyaan wadahadalka balse ma siin jawaab ay ku qancaan.

Related posts

Wasiir Xagaa” Soomaliland shaleey waxay sheegtay in hawadeeda ay lasoo wareegtay waa been “

Abdiaziz Bnnstaff

Sida ay Jabuuti uga hadashay heshiiskii is-afgaradka ee Itoobiya iyo Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

Duleedka Hargaysa Oo Rag Hubaysan 24 Sacaadood U Qabteen Muuse Biixi

Abdiaziz Bnnstaff