Borama News Network

Qaar kamid ah Dadka Baladweyne oo billaabay in ay ka barakacaan Daadadka Roobka Guga & Fatahaadda Webiga Shabeelle.

Qoysas badan ayaa ka barakay qaar kamid ah Xaafadaha Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle gaar ahaan goobaha inta badan halis wayn laga muujinayo in ay ku saamayn karaan Daadadka roobka iyo fatahaadda Webiga Shabeelle.

Qaar kamid ah Dadka Deegaanka ayaa sheegay in biyo badan oo ka dhashay roobka guga oo ka da’ay deegaannada duleedka Magaalada Baladweyne xarunta Gobolka Hiiraan ay ku hooreen webiga taasina ay abuurtay cabsi horleh.

Dadkaan isaga barakacay Magaalada Baladweyne ayaa sheegay in ay u safrayaan deegaannada dhaca duleedka Magaaladaas gaar ahaan dhulka ay u arkaan in uu ka sarreeyo xarunta Gobolka Hiiraan si ay naftooda iyo ehelkooda u badbaadiyaan.

Dhowr jeer waxaa Magaalada Baladweyne saamayn ku reebay Roobka Guga waxaana dedaal xooggan la geliyay samaynta biyo-xireenka lagu kala yaraynayo webiga Shabeelle balse ma baajin in uu karkaarada jabsado sida ay sheegeen Dadka deegaanka.

Weli Magaalada Baladweyne Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa ku sugan qoysas oo iyaga qudhooda aanay caga-badan ku taagnayn maadaama had iyo jeer ay dhegaha la raacayaan hadallada cabsida ku beeraya ee fatahaadda & daadadka la xiriira.

La soco wixii kasoo kordha

Related posts

Maxay kawada hadlayaan Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud Iyo Raysal Wasaaraha Norway Jonas Gahr Støre.

Abdiaziz Bnnstaff

Maxay Soomaaliya la tageysaa Madasha ay kula hadlayso Itoobiya?

Abdiaziz Bnnstaff

Maraykanka Oo Sheegay in Uu Qabtay Xubin Katirsan ‘AS’ Oo Tahriib Ku Galay Dalkaas.

Abdiaziz Bnnstaff