Dagaalka u Dhaxeeya Ciidamada Itoobiya Iyo Kuwa Tigray-ga Oo Xoogeystay Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay isaga baxeen magaalada Kobo ee waqooyiga gobolka Axmaarada “si ay u xakameeyaan khasaare badan oo ka dhaca magaalada iyadoo ay sii kordhayaan iska horimaadyada u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Tigrayga.

Bayaan ka soo baxay xafiiska isgaarsiinta dowladda Itoobiya ayaa Sabtidii lagu eedeeyay in ciidamada Tigray ay magaalada ku soo qaadeen weeraro iyagoo ka soo galy “jihooyin badan”.

Magaalada ayaa ku taal meel u dhow goobihii uu dagaalku ka soo cusboonaaday horaantii todobaadkan. Wali ma jirto wax jawaab ah oo ka soo baxay ciidamada Tigreega.

Hase yeeshee dadka magaalada ayaa BBC-da u sheegay in qaar badan oo ka mid ah ay u qaxayaan tuulooyinka magaalada u dhow iyagoo lugeynaya ka dib ay joogsadeen adeegyadii gaadiidka sababo la xiriira dagaallada soo cusboonaaday.

Related posts

Afhayeenka Xukuumadda Mocalimuu Oo Xildhibaan Golaha Shacabka Loo Doortay

Bnnstaff Bnnstaff

Dayax Gacmeed Uu leeyahay Shiinuhu Oo Soo Dhacay Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya

Bnnstaff Bnnstaff

Xuutiyiinta Dalka Yeman Oo Laayay 9 Askari Oo Ka Mid Ah Ciidanka Dalka Suudan

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More