Borama News Network

Safiirka Soomaaliya ee Turkiga oo booqday mid kamid ah Xabsiyada ay ku xiran yihiin Dhallinyaro Soomaaliyeed.

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Turkiga Fatxudiin Cali Maxamed ayaa booqday mid kamid ah Xabsiyada ku yaalla Magaalada Ankara oo ay ku xiran yihiin Muwaadiniin Soomaaliyeed oo kiisas kala duwan loo xiray.

Fatxudiin ayaa u kuurgalay xaaladda Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Turkiga ku xiran maadaama shaqada Safaaradda uu ku cusub yahay isla markaana dhowaan xilkaas loo dhiibay si uu usoo ogaado xaaladda dhabta ah ee Dadkaas.

Safiirka ayaa Soomaalida u safraysa Turkiga waxa uu ugu baaqay in ay ilaaliso shuruucda Dalkaas oo dadka qaar ay u xiran yihiin in ay jebiyaan waxaana uu intaas ku daray in safaaradda ay gudanayso waajibka ka saaran muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Maanta waxaa inoo suurtagashay in aan booqano mid kamid ah xabsiyada ay ku xiran yihiin dhalinyaro Soomaaliyeed ee Magaalada Ankara taasi waxa ay qayb ka ahayd in aan u kuurgalno duruufaha ay ku sugan yihiin Dhallinyaradaas, waxa ay qayb ka noqon doontaa booqashooyin badan aan ku tagi doonno xabsiyada kala duwan ee Turkiga” Ayuu yiri Danjiraha Soomaaliya ee Turkiga.

Waa uu sii hadlay Danjire Fatxudiin waxaana uu yiri: “Jaaliyaddeena ku dhaqan waddankaan & Dadka danaynaya Dalkaan waxa aan xusuusinaynaa in ay ilaaliyaan sharciga waddankaan, innaga oo matalayna Dowladda Soomaaliyeed waxa mas’uuliyad naga saaran in aan u doodno oo aan ka qabano dhibaato xadgudub ama dhibaato ah”.

Dowladda Turkiga ayaa xabsiga dhigtay Dad u badan Dhallinyaro Soomaali ah kuwaas oo ku kala eedaysan in qaarkood ay isku dayeen tahriib, qaar kale waxaa loo haystaa in ay dhacday degenaashiyaha balse aanay soo cusboonaysiin halka kuwo kale dal ku galka ama fiisaha uu ka dhammaaday waqtiga loo ogolaaday.

Related posts

Hindiya:- Sheekh Lagu Dhex Dilay Guaha Masjid Ku Yaala Deegaankiis Iyo Cadho Ka Dhaltay Dilkaasi

Abdiaziz Bnnstaff

“Iyada Oo Awoodii Iyo Shaadhkii Dawlada La Adeegsanayo Ayaa Dadka Intii Hoosaysay Aan Waxba Loo Dirsan Jirin La Soo Dalacsiiyay..” Yusuf Shaacir

Abdiaziz Bnnstaff

“Dacwadii Maxamed Abiib waanu laalayna, Fadhigii goluhuna wuu baaqday.” Gudoomiye Cali Xaamud Jibril

Abdiaziz Bnnstaff