Cilmi Baaris Lagu Ogaaday Xaalad Horseedi Karta In 5 Bilyan Oo Qof Ay Dhintaan

Ku dhawaad 5 bilyan oo qof ayaa u dhiman doona macaluul iyo gaajo haddii dagaal nukliyeer ah oo u dhexeeya Mareykanka iyo Ruushka uu qarxo, sida lagu sheegay daraasad cusub oo la sameeyay.

Warbixintan oo qaadatay tobannaan sano oo cilmi-baaris ah, ayaa waxay ku saabsan tahay isbeddelka cimilada, macluusha adduunka iyo is-weydaarsiga nukliyeerka xaddidan.

Dagaal xaddidan oo u dhexeeya Pakistan iyo Hindiya oo loo adeegsado boqolkiiba saddex hubka nukliyeerka adduunka ayaa dili kara saddex meelood meel dadka dunida ku nool.

“Xogtu waxay noo sheegaysaa hal shay: Waa inaan ka hortagnaa dagaal nukliyeer ah inuu waligiis dhaco,” ayuu yiri Alan Robock, oo ah bare cilmiga cimilada ee Jaamacadda Rutgers iyo qoraaga daraasaddan.

Qaraxa hubka nukliyeer ah oo soo saara in ka badan 5 teragrams (5 trillion garaam) oo sun ah ayaa sababi karo cunto yari baahsan oo saamaysa dhammaan adduunka oo dhan, ayaa lagu yiri daraasaddu.

Related posts

Mujaahid Ilameerayso Oo Ku Baaqay In Caasimada Somaliland Laga Dhigo Magaalada Berbera

Bnnstaff Bnnstaff

Somaliland Waxay Fursad u Heshay Inay Ka Faa’idaysato …..” Musharrax Cabdiraxmaan Cirro.

Bnnstaff Bnnstaff

Muxuu Sheekh Cabdinaasir Ka Yidhi Mawqifka Alshabaab Ee Is Qarinta Ka Hor Inta Uunan Qaraxii Shalay Ku Dhiman

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More