Borama News Network

Nin La Ildaran Xanuunka Kansarka Oo Ku Guulaystay Lacag Bakhtiyaanasiib Ah Oo Lagu Sheegay1.3 Bilyan

Waxaa jiray habeenno uusan ledin Cheng Saephan. Waxaa barkinta hoosteeda ugu jiray warqad ay ku qoran yihiin lambarro.

Lambarrada uu warqadda ku qoray ayaa ahaa kuwo uu doonayey inuu uu isticmaalo bakhyioyaa-nasiib aysan jirin cid ku guulaysatay muddo todobadyo ah.

“Alle waxaan ka baryey inuu i caawiyo” ayuu yiri Saephan oo qaba xanuunka kansarka, kuna nool Portland, Oregon. Carruurteydu way yar-yar yihiin, caafimaadkeyguna ma fiicna” ayuu sii raaciyey.

Maanta, ninkaas oo kaga so guuray Maraykanka Laos (Waa dal ku yaalla koofur bari Aasiya) wuxuu ku guulaystay bakhtiyaa-nasiibka 4aad ee ugu weyn taariikhda bakhtiyaa-nasiibyada maraykanka
Wuxuu keenay lambarrada guusha ee $1.3 bilyan, kaasoo dhacay 7dii bishii Abriil, isniintii ayeyna maamulayaasha guddoonsiiyeen abaalgudka uu helay.

Saephan ma ahayn kaligiis qofka nasiibka leh ee ku guulaystay. Xaaskiisa iyo qof saaxibkiis ah ayaa iyagana ku darsaday lacag lagu gaday in ka badan 20 tikid, ayadoo markii dambe uu mid kood guulaystay.

Wuxuu sheegay in 25% uu la wadaagi doono xaaskiisa Duanpen, 50% – kala bar lacagta uu helayna – uu la wadaagi doono saaxiibtiis Laiza Chao.
Mr Saephan wuxuu qaadanayey muddo siddeed sano ah dawada kansarka ee Chemotherapy. “Noloshayda way isbeddeshay” ayuu yiri Saephan oo u warramayey warbaahinta CBS KOIN.

Wuxuu intaa ku daray inuu intaa alle baryayey. “Hadda qoyska si fiican ayaan u taageeri karaa, dhakhtar fiicanna waan heli karaa” ayuu sii raaciyey.

Qayb kale oo ka mid ah lacagta uu ku guulaystay ayuu ku kharash garayn doonaa inuu qoyskiisa ugu gado gurigii uu ku riyoon jiray.

Markii uu ogaaday inuu bakhyiyaa-nasiibka ku guulaystay ayuu saaxiibtiis u cararay si uu ula wadaago akhbaarta.

“Waxaan ku iri ‘Laiza ku mee?’ waxay igu tiri ‘shaqo ayaan u socdaa’” ayuu yiri Sae phan. Wuxuu intaa ku sii daray inu ku yiri “hadda ka dib uma baahnid in aad shaqo aaddo”.

Seddexdaas qof ee wadajirkau guulaystay waxay soo afjareen muddo seddex bilood ah oo aysan jirin cid keentay lambarrada saxda ah ee bakhtiyaa-nasiibka Powerball, kaasoo tikidhadiisu ay gaarayaan ilaa $2 midkiiba.
Bakhtiyaa-nasiibyada ka badan halka Bilyan ee dollar ayaa ku soo badanaya Maraykanka, ayadoo qiimaha tikidhadoodana ay sii qaaliyoobeen. Midka ugu badan ee ilaa hadda lagu guulaystay ayaa ah 2.04 Bilyan oo dollar, kaasoo lagu guulaystay 2022.

Qaabka cayaarta ayaa iyana wax laga beddelay. Cayaartoyda waxay iminka fursad u haystaan inay kala doortaan shan lambar oo u dhaxeeya 1 ilaa 69, halka marki hore ay ahayd 1 ilaa 59 sida ay df higayaan xeerarki hore ee cayaarta.

Waxaa kale oo qofka cayaaraya uu dursad u haystaa inuu kala doorto lambarka 6aad ee kubadda Powerbal kaasoo u dhaxeeya 1 ilaa 26, halka uu markii hore ahaa 1 – 35.

Tani waxay yaraynaysaa suurtogalnimada ku guulaysiga bakhtiyaa-nasiibka oo ah 292.2 malyan

Wuxuu intaa si raaciyey Saephan inuu sii wadi doono inuu cayaaro bakhtiyaa-nasiibka “laga yaabee in aan mar kale ku guulaysto” ayuu yiri.

57% dadka Ameerikaankaayaa ugu yaraan iibsada mid ama in ka badan tikidhada bakhtiyaa-nasiibka Powerball sannad kasta, waxaana tiradaas ay noqonaysaa 181 in ay sannad kasta cayaaraan.

401 jeer ayaa lagu guulaystay tan iyo markii Bakhtiyaa_nasiibkaas la bilaabay in la cayaaro, waxaana gobolka ugu badan ee dadkiisu ku guulaysteen uu yahay gobolka Indiana.

Related posts

Qaar Ka Mid Ah Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland Oo Ka Hadlay Fasax Maanta La Galiyay Golahaasi

Abdiaziz Bnnstaff

Antonio Guterres: “2.3 Milyan oo ruux ayaa guryo & Xasilooni la’aan ku haysata Rafax”.

Abdiaziz Bnnstaff

” Muusaw waxaad na baday inaanu galno xisbigii Oofwareen” Rooda Cabdi Muuse

Abdiaziz Bnnstaff