Borama News Network

Dhul Gariir Xoogan Oo Ka Dhacay Dalka Jaban Iyo Tirada Dadka Ku Dhintay Oo La Shaaciyay.

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Japan ayaa sheegay in tirada Dadka ku dhintay Dhul-gariir gaaraya 7.6 Magnitude ay gaartay 30 qof waxaana socda daryeelka loo fidinayo dad kale oo dhaawacyo kala duwan soo gaaray.

Sarkaal katirsan Kooxaha gurmadka degdega ah ayaa Warbaahinta u sheegay in kumaan ruux ay ku guryo beeleen dhul-gariirkaas waxaana la dejiyay teendhooyin si ay halkaas usii degenaadaan si kumeel-gaar ah.

Magaalada Xeebta leh ee Suzu oo uu saamaynta wayn ku reebay Dhul-gariirka ayaa lasoo wariyay in dadkii degenaa ay isaga tagaan maadaama isniintii & talaalada maanta dhul-gariirku ku dhuftay waa sida ay sheegeen ilo kala duwan.

Marka laga soo tago Dadka Deegaanka waxa uu sidoo kale Dhul-gariirku saameeyay Dad dalxiisayaal ah oo qaarkood ku sugnaa Hoteello iyo xeebta Magaalada Suzu oo ay ku qaadanayeen fasaxooda billowga sanadka.

Related posts

“Tani Waa Doorashadii Iigu Dambeysay”. Madaxwayne Rejep Tayyip Erdoğan Oo Shaaciyay In Aanu Dib Doorasho U Galaynin

Abdiaziz Bnnstaff

Daawo :- Dhacdooyinka Yaabka Leh Ee Ay Kaluumaystada Degmada Maydh Kala Soo Kulmeen Badda

Abdiaziz Bnnstaff

Wadadii Borama Iyo Lawyacade Waxaa Joojiyay Wasiir Sacad Cali Shire Iyo Xukuumada Oo Ku Xumaynaya Gobolka Awdal” Xildhibaan Maxamed Abiib

Abdiaziz Bnnstaff