Khasaare Ka Dhashay Weerar Hoobiyeyaal Ah Oo Lagu Qaaday Degmooyin Ka Tirsan G/Banaadir

Jugta madaafiic xoogan ayaa xilli lagu jiray salaadii subax ee saaka laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolkaan Banaadir, waxaana kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.

Illaa shan madfac oo jugtooda la maqlay ayaa kusoo dhacay xaafaddo ka tirsan Boondheere iyo Cabdicasiis, saddex kamid ah ayaa ku dhacay xaafadda Busley, agagaarka Daljirka daah-soon iyo Isgoyska Shabeelle, halka mid kalena uu ku dhacay qeyb kamid ah degmada Cabdicasiis.

Khasaaro ayaa ka dhashay hoobiyeyaasha saaka lagu garaacay qeybo kamid ah degmada Boondheere, dhowr qof ayaa la xaqiijyey inay ku dhaawacmeen madfaca ku dhacay xaafadda Busley oo ay degan yihiin dad shacab ah.

Waxaana wararka qaar ay sheegayaan in hal qof uu ku dhintay weerarka hoobiyeyaasha ah ee xalay lagu soo qaaday qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Gaadiidka gurmadka deg-dega ah ayaa durbadii gaaray goobaha ay ku dhaceen madaafiicda, isla markaana waxaa lagu daad-gureeyay dadka waxyeelada kasoo gaartay madaafiicda, kuwaasi loo qaaday Isbitaalo.

Laamaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli hadlin madaafiicda arroornimadii hore ee saaka oo khamiis ah kusoo dhacay degmooyinka Cabdicasiis iyo Boondheere ee Gobolkaan Banaadir.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda wararkan, inkasta oo Al-Shabaab ay inta badan sheegato mas’uuliyadda weerarrada noocan ah.

Related posts

Puntland Iyo Jubbaland Oo Gudbiyay Xubnaha Ku Matalaya Guddiga doorashooyinka Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Muuse Biixi Oo Dardaaran U Jeediyay Golaha Deegaanka Ee Hargeysa Iyo Hogaanka Ay Doorteen

Bnnstaff Bnnstaff

Dowladda Oo Sheegtay In La Bur buriyay Xarumo Al-Shabaab Ku Lahaayeen Gobolka Baay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More