Maamulka Gobolka Banaadir Oo Fuliyay Amarkii Ka Soo Baxay Raysal Wasaare Rooble

Kadib markii xalay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu amray Maamulka G/Banaadir inay deg deg wax uga qabtaan biyaha roobabka ee xiray qaar ka mid ah waddooyinka Caasimadda ayaa waxaa amarkaas fuliyay Maamulka Gobolka.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa durbo xalay waddooyinka ka bilaabay howlo waddooyinka looga qaadayo biyaha roobkii habeenkii hore ka da’ay Muqdisho, xili gaadiidka iyo dadka ay ku adeg tahay inay maraan jidadka ay biyaha fadhiyaan.

Ku-simaha Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyada Axmed Xasan Iiman oo uu wehlinayay Guddoomiye Tuulax ayaa kormeer ku tegay qaar kamid ah waddooyinka ay xireen biyaha oo ay ka socdeen howlo biyo looga qaadayo.
Axmed Xasan Iiman oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Waaxda howlaha guud ee Gobolka ay biyaha ka qaadeen wadada hormarta Iskuulka Jeneraal kaahiye, Warta biyaha KM-4, xaafadda Ceel-qalow iyo waddooyin kale oo ay xireen biyaha roobkii da’ay.

Isaga oo sii hadlaayay Ku-simaha Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Axmed ayaa waxaa uu tilmaamay in gaadiidka iyo dadka shacabka ah ay mari doonaan waddooyinka ay xireen biyaha roobka, isla markaana kuwo kalena la nadiifin doono.

Ugu dambeyn Axmed Iimaan ayaa Ganacsatada iyo dadka kale ee wax heysta ugu baaqay inay gargaar u fidiyaan qoysaska danta yar e guryahooda biyaha ka galeen iyo kuwa kunool xerooyinka barakacayaasha ah.

Si kastaba Qaar kamid ah waddooyinka waaweyn ee degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ku xirmay biyaha xareedda ee roobkii ka da’ay Muqdisho, waxaana halkaas maristooda dhib ku qaba gaadiidka Mooto Bajaajta iyo kuwa gaarka loo leeyahay oo maraya waddooyin qardo-jeex.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Orodyahan ka Yaabsaday MO Farah

Sheekada Nin Soomaali Ah Oo Si Caddaalad Darro Ah Loogu Daldalay Britain

Bnnstaff Bnnstaff

Maxaa Kala Qabsaday Wasiir Seed Iyo Suldaan Dhawal

Mustafehaji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More