Shirkii Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Afrika Oo Lasoo Gaba-Gabeeyay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta ka qayb galey xiritaanka shirweynaha 11-aad ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannadda Afrika oo lagu soo gabagabeeyey magalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.
Shirkan oo socday mudo labo maalmood ah ayaa diirada lagu saaray adkeynta iskaashi buuxa dhexmara dowladaha ku bohoobay madashan iyadoo muhiimad gaar ah la siiyey la socodka isbedelka cimilada iyo qaaradda iskugu tashan lahayn cunna yerida aduunka soo wajahdey, sidoo kale sidii looga dhabeyn lahaa ballan qaadyada ka soo baxa shirkan u dhexeeyey Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Afrika.

Ugu dambeyn madaxda ayaa isla gartay in si wadajir ah looga hortago abaaraha soo noqnoqday iyo daryeel xumada ay wajahayaan malaayiin ruux oo Afrikaan ah.

Related posts

Raysal Wasaare Xamse Barre Oo Kulan La Yeeshay Safiirka Ingiriiska Ee Soomaaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Deni Oo Xildhibaanadii Lagu Doortay Magaalada Boosaaso U Sheegay In Uu Yahay Murashax Madaxwayne

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiir Siciid Sulub Oo Si Adag Uga Hadlay Mudaharaadkii Ay Ku Baaqeen Mucaaridku

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More