Somaliland Oo Ku Gacansaydhay Deeq Waxbarasho Oo Xukuumada Soomaaliya Uga Timid

Xukuumada Somaliland ayaa iska diiday deeq waxbarasho, oo dalka Masar Soomaaliya ugu deeqay, oo xukuumada Soomaaliya sheegtay in ay Somaliland qayb kasiinayso.
Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada Somaliland Cabdixakiin Siciid Muuse Bustaale, oo waraysi siiyay muuqbaahiyaha xukuumada Somaliland, ayaa sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya ay yihiin laba dowladood oo kala madaxbannaan, isaga oo deeqda waxbarasho ku tilmaamay qorshe la’aan siyaasadeed.
“Waan arkaynay warqad baraha bulshada waraygaysay oo kasoo baxday maamulka Muqdisho, runtii waxaanu u aragnaa nasiib daro wayn iyo qorsha la’aan siyaasadeed oo halkaasi ka jirta, sideedaba Somaliland iyo Soomaaliya waa laba dowladood oo kala madaxbannaan” ayuu yidhi Bustaale.
Waxa uu sheegay in siyaasada guud ee Somaliland ay ku dhisantahay rabitaanka shacabka, isla markaana ay Somaliland leedahay siyaasad lagu hago arrmaha waxbarashada, isagoo sheegay in Somaliland anay deeqaha waxbarasho marti uga ahayn xukuumada Soomaaliya.
“Siyaasada guud ee qaranka Somaliland lagu hagaa waata rabitaanka shacabka Somaliland ku salaysan, siyaasada guud ee waxbarashada lagu hagaa, waa ta ka turjumaysa nidaamka siyaasadeed iyo hogaaminta dalka ka jirta” ayuu yidhi Bustaale “Deeqaha warbarasho ee qaranka Somaliland u baahanyahay maaha dal u martida maamulka Muqdisho”.
Waxa uu sheegay in Somaliland ay si madaxbannaan adduunka ula macaamisho, oo iyadu kala hadasho deeqaha waxbarasho iyo baahiyaha kale ee ay iska kaashan karaan waddamada caalamka.

Related posts

Talyaaniga Oo Lugaha La Galay Xiisad Siyaasadeed Oo Cakiran Iyo Sababta Ka Dambeysay

Bnnstaff Bnnstaff

Maayirka Magaalada Jigjiga” TPLF sidii Ay Jigjiga U Gumaysan Jireen Ayay Villa Somaliya u Maamuli Jireen

Bnnstaff Bnnstaff

Mareykanka Oo Walaac Ka Muujiyay Qorshe Milateri Uu Wado Madaxweynaha Dalka Turkigu

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More