Dagaal u Dhexeeya Ciidanka Haramcad Iyo Al-shabaab Oo Ka Socda Shabeellaha Dhexe

Wararka aan ka heleyno deegaanka Basra ee duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saaka oo Isniin ah uu ka socdo dagaal xoogan oo u dhexeeya Ciidanka dowladda gaar ahaan Haramcad iyo Al-shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay, ka gadaal markii Ciidanka Booliska Haramcad ay weerar ku qaadeen fariisimo Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Basra iyo Beerta Cali Mahdi oo ku yaalla inta u dhxeeysa Balcad iyo Jowhar, sidaasina uu dagaalka ku bilowday.

Dad ayaa soo weriyey in dagaalka uu yahay mid xoogan oo labada dhinac isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana la maqlayo dhawaqa rasaas dhaceysa, khasaaro ayaa ka dhashay dagaalka, in kastoo aan la ogeyn inta uu la egyahay.

Taliska Ciidanka Booliska Haramcad oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa ay ku sheegeen in ujeedka howlgalka laga wado deegaanka Basra iyo Beerta Cali Mahdi uu yahay Burburinta Maxkamad iyo goob Al-shabaab kaga sugan yihiin halkaas, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Al-shabaab ayaa dhankooda weli ka hadlin weerarka iyo dagaalkii dhacay, deegaano ku yaalla duleedka Balcad ayaa waxaa dhowr jeer qaraxyo lagula beegsaday gaadiid ay wateen Ciidanka ATMIS iyo kuwa dowladda Federaalka, waxaana kasoo gaaray khasaaro.

 

Related posts

Masuulinta Xukuumada Muuse Biixi Iyo Xisbiga Wadani Oo Si Adag Iskugu Weeraray Madal Qalinjabineed

Bnnstaff Bnnstaff

Hindiya Oo Ku Biirtay Howlgalka Ladagaalanka Burcad Badeedka Soomaaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Muxuu Yahay Dhambaalka Laga Siday Madaxweyne Xasan Sheekh Ee La Gaadhsiiyay Amiirka Qatar?

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More