Weerar Dad Badani Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Canada Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Gobolka Saskatchewan ee dalka Canada ayaa waxaa ka dhacay laba weerar oo loo adeegsaday toorray ama mindi, waxaana dhintay illaa 10 qof halka ay ku dhaawacmeen 15 qof oo kale, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AP.

Laamaha ammaanka ayaa sheegay inay baadigoobayaan laba qof oo loo tuhunsan yahay inay fuliyeen weeraradan.

Rhonda Blackmore, oo ah Kaaliyaha Guddoomiyaha gobolka Saskatchewan, ayaa sheegtay in dhibanayaasha qaarkood ay u muuqdaan inay ahaayeen bartilmaameed si gaara loo beegsaday halka qaarkalena loo weeraray si aan kala sooc lahayn.

Waxay sheegtay inay jiraan 13 goobood oo faldembiyeedkani ka dhacay oo laga helay dadka dhintay ama kuwa dhaawacmay. Eedeysanayaasha ayay ku boorisay inay isa soo dhiibaan.

Related posts

Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo War Ka Soo Saaray Lacagta Foojariga Ah Ee Soo Gashay Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

Guddoomiye Madaale “Ma Aqbalayno Muqdisho Inay Noqoto Magaalo Fasahaad Ah”

Bnnstaff Bnnstaff

Dowladda Somalia Oo Dowladda Zambia Kala Hadleysa Soomaali La Xidhxidhay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More