Liz Truss Oo Noqonaysa Raysal Wasaaraha Cusub Ee Dalka Britain

Wasiirka arrimaha dibadda Britain Liz Truss, ayaa noqoneysaa Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalkaas kadib markii ay ku guuleystay doorashada xisbiga muxaafidka ah ee Conservative Party.

Liz Truss, waxay ku guuleysatay boqolkiiba 57 codadka xubnaha ka tirsan xisbiga, waxay ka adkaatay Rishi Sunak oo helay boqolkiiba 14.

Liz Truss, waxay Talaadada baddali doonta Ra’iisul Wasaare Boris Johnson gaar ahaan ay soo magaacwdo boqorodda Elizabeth.

Caqabadaha horyaalla Ra’iisul Wasaaraha cusub waxaa kamid ah waxkaqabashada arrimaha dhaqaalaha, waxay ballan qaaday inay la imaan doonto qorshe wax ku ool ah oo ku saabsan sidii ay ku dhimi laheyd canshuurta iyo waxkaqabashada xiisadda ka taagan arrimaha tamarta iyo sidii ay ku mideyn laheyd xubnaha ka tirsan xisbigeeda oo kala qeybsamay xilliggii xil ka qaadista lagu sameynayay Boris Johnson.

Related posts

Jabhadda Tigrey Oo Ka Jawaabtay Eedeymo Ay U Soo Jeedisay Qaramada Midoobay

Bnnstaff Bnnstaff

Itoobiya Oo Gacanta Ku Dhigtay Koox Qorsheenaysay Inay Weeraraan Safaarada Imaaratka Carabta Ee Adis ababa.

Bnnstaff Bnnstaff

Dowladda Kenya Oo Amaahineysa Lacag Muwaadiniinteeda

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More