Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Safiirka Filand kala hadlay La Dagaalanka Al-Shabaab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Villa Soomaaliya ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Finland u fadhiya Soomaaliya Pirkka Tapiola.

Madaxweynaha dalka iyo Safiirka ayaa ka wadahadlay kor u qaadidda taageerada Midowga Yurub oo ay qeyb ka tahay dowladda Finland, adkeynta cilaqaadka labada dal, horumarinta dhaqaalaha, iskaashiga, qorshaha dowladda Soomaaliya ee xoojinta amniga, xasilloonida dalka iyo la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay xoreynta deegaannada ay kaga sugan yihiin Al-Shabaab oo ay ka soo maleegaan weerarada qorsheysan.

Dhankiisa, Danjiraha dowladda Finland Mudane Pirkka Tapiola ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gacan-siinayaan arrimaha hortebinta u leh, oo ay ugu horreeyaan la wareegidda amniga guud ee dalka, xoojinta federaaleynta iyo daadejinta hannaanka dowliga ah.

Related posts

Shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland Oo Looga Yeedhay Golaha Guurtida Iyo Sababta Yeedhmadaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Guddoomiye Madaale “Ma Aqbalayno Muqdisho Inay Noqoto Magaalo Fasahaad Ah”

Bnnstaff Bnnstaff

Khilaaf Adag Oo Gacan Ka Hadal isku Bedelay Oo Ka Dhex Qarxay Ururka Xamuulka Ka Qaada Dekeda Berbera

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More