Qarax Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacay Deegaan Hoos Tega Degmada Laasqoray Ee Gobolka Sanaag

Faah faahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa Qaraxa Khasaaro dhaliyay oo xalay ka dhacy degaan lagu magacaabo Milxo oo hoos yimaado Degmada Laasqoray ee Gbolka Sanaag, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan Qaraxaasi iyo dil ka dhacay degaankaasi.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Xalay la qarxiyay Maqaayad ku taalla Degaankaasi, taasi oo ay ku sugnaayeen dad shacab ah, waxaana qaraxu uu ahaa Ismiidaamin.

Qofka fuliyay Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa Oromo, waxaana ku dhintay hal qof sida wararku tilmaamayaan, iyadoo ay jiraan dhawacyo soo gaaray dadkii ku sugnaa Maqaayadda Qaraxu ka dhacay.
Dadkii ku dhaawacmay Qaraaxai Ismiidaaminta ah ayaa dhaawacyadooda waxaa la gaarsiiyay Degmada Boosaaso ee Gobolka Bari, waxaaa sidoo kale dhaawacyo kale la gaarsiiyay Degmada Badhan ee isla Gobolkaasi.

Wali Maamulka iyo hay’adaha ammaanku wax war ah kama soo saarin Qaraxaasi, sidoo kale ma jirto Cid sheegatay masuuliyadda weerarkaasi.

Dhanka kale degaanka Xalay Qaraxu ka dhacay waxaa shalay Galab lagu dlay Wil dhalinyaro, ilaa iyo haddana lama oga-sababta keentay dilkiisa.

horay degaankaasi waxaa weeraro kala duwan ku qaaday dagaalamayaasha Al-Shabaab, kuwaasi oo dagaallo Culus la galay dadka degaanka iyo Ciidanka Puntland ee ku sugan degaanadaasi, inkastoo AL-Shabaab Qaraxaasi aysan wali ka hadlin.

Related posts

Faysal Cali Waraabe Iyo Shaaciyay In Kulmiye Uu Mucaarid Isku Noqday Iyo Wasiir Hinda Gaani Oo Gabaha La Dulmartay

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Dalka Talyaaniga Kula Kulmaya Madax ka Tirsan Hay’addaha Qaramada Midoobay

Bnnstaff Bnnstaff

Muqdisho:- Cutubkii Ugu Horeeyay Ee Gabdho Ah Oo Tobabar Ciidana Loogu Qaaday Dalka Turkiga

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More