Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Qaabilay Wafdi Ka Socda Hay’adda IOM

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Omar Jama (Huruse), ayaa la kulmay wafti ka socdey hay’adda IOM oo ay hoggaamineysey Ku xigeenka Xoghayaha guud ee hay’adda IOM Miss Amy Pope. Waxaa kale oo waftiga ka mid ahaa la taliyaha khaaska ah ee ku xigeenka Xoghayaha guud Ms. Kristin Dadey, Madaxa Bariga Africa MR. Mohammed Abdiker, la taliyaha Madaxa Bariga Africa Mr. Said Sheikh Abdi iyo Madaxa hay’adda u qaabilsan Soomaaliya.
Kulanka oo aad muhiim u ah ayay uga wada hadalayn dar-dar gelinta hawlaha ay hay’addu ka hayso dalka Soomaaliya, sida tayeynta shaqaalaha iyo hay’addaha dawladda, xirfad iyo shaqo u abuurista barakcayaasha iyo qaxootiga, ka caawinta bulshada arrimaha waxbarashada, isku xirka qurba joogta iyo fududaynta sidii ay ugu faa’iideyn lahaayeen shacabka, wax ka qabashada arrimaha abaaraha.

Related posts

Mareykanka Oo Hub Ku Kacaya $5 Bilyan Ka Iibinaya Sacuudiga Iyo Imaaraadka

Bnnstaff Bnnstaff

Puntland Oo Sheegtay In Ay Bixinayso Magta Gabadh Yar Oo Ku Dhimatay Rasaas Ay Ciidanku Rideen

Bnnstaff Bnnstaff

“Xeerka 14 Layidhahdaa Waa Xeerkaan U Bixiyay Shirqool 14 Waxaana Loo Adeegsadaa Dano Gaar Ah” Siyaasi Cali Guray

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More