Midowga Afrika Oo Soodhaweeyay Baaq Kasoo Baxay Jabhadda TPLF

Midowga Afrika ayaa soo dhaweeyay baaqa kasoo baxay jabhadda TPLF ee ah inay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan wadahadallo nabadeed oo lagu soo afjarayo colaadda ka taagan waqooyiga Itoobiya.

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, ayaa sheegay in hadalka TPLF uu yahay fursad naadir ah oo lagu joojinayo dagaalka.

Wuxuu ugu baaqay fallaagada iyo dowladda federaalka inay dhaqangeliyaan xabad joojin deg deg ah.
Dagaal ayaa mar kale dib uga qarxay Tigray bishii August kadib in muddo ah ay xaaladdu deggeneyd balse hoggaanka Tigray ayaa Axaddii sheegay inay diyaar u yihiin inay ka qeybgalaan wadahadallo nabadeed oo lagu joojinayo xiisadda.

Madaxda TPLF ayaa horey u dhaleeceeyay wadahadallada uu garwadeen ka ahaa Midowga Yurub iyagoo sheegay inay doorbidayaan in madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu horkaco wadahadallada.

Ilaa iyo hadda lama hayo wax war ah oo kasoo baxay dowladda Itoobiya oo ku aadan arrintani balse horaan dowladda waxay sheegtay in wakhti kasta ay diyaar u tahay wadahadallada lagu soo afjarayo colaadda gobolka Tigray.

Related posts

Ciidamada Israa’iil Oo Toogasho Ku Dilay Suxufiyad Ka Tirsaneyd TV-ga Al-jazeera

Bnnstaff Bnnstaff

Qisada Basaasad Reer Isreal Ee Laga Siidaayay Xabsiyada Dalka Suuriya Iyo Waxa Ay Ku Bedelatay Xukuumada Suuriya

Bnnstaff Bnnstaff

Duulimaadyadii Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Oo Maanta Hakad La Geliyay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More