Maamulka Jubbaland Oo Dalab U Diray Beesha Caalamka Iyo Shacabka Soomaaliyeed

Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka golaha wasiirada Jubaland, kaasi oo ka qabsoomay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Amniga iyo Xaaladda abaaraha ka jira deegaanada Jubaland, iyadoo warbixintaa uu jeediyey Madaxweyne kuxigeenka Jubaland.
Wasaarada amniga ayaa laga dhagaystay warbixinta amniga Jubaland ee todobaadkii tagay iyadoo wasaaradu ay ka warbixisay shaqooyinka u danbeeyay ee Wasaarada iyo hay’adaha amniga ay qabteen.

Wasaarada Gargaarka iyo maaraynta musiibooyinka ayaa ka warbixisay xaalada abaaraha iyo dadaalada ay Wasaarada oo kaashanaysa dhinacyada kala duwan ka wado meelaha Sida daran abaartu ay u saamaysay.

Madaxweyne Kuxigeenka Jubaland Maxamuud Sayyid Aadan ayaa baaq u diray ummadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka in ay ka qayb qaataan samata-bixinta dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Related posts

Dowlada Kenya Oo Sheegtay In Ay Magdhaw Siinayso Booliska Ku Waxyeeloobay Shaqooyinka Ka Dhacay Dalka.

Bnnstaff Bnnstaff

Murashax Cabdiraxmaan Ciro Oo Ka Jawaabay Hadalkii Shalay Ee Madaxwayne Muuse Biixi

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Shaaciyay Waxa Uu Qaban Doono Marka Mudo Xileedkiisu Dhamaado

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More