Muwaadin Soomaali Ah Oo Loo Xiray Toogasho Ka Dhacday Magaalo Ku Taal Mareykanka

Ciidanka Booliska magaalada Mankato ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen oo ay xireen Muwaadin Soomaali ah oo lagu magacaabo Maxamed Bashiir oo loo raadinayey dembi la xiriira toogasho ka dhacday magaalada Mankato ee Gobolka Minnesota.

Bashiir Maxamed, oo 30 jir ah, ayaa la xiray, waxaana lagu xiray xabsiga degmadda Blue Earth.
Weli wax faah faahin oo dheeraad ah maamulka Booliska magaalada Mankato ee Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka kama ayna soo saarin xariga Bashiir, meesha laga qabtay iyo sida loo qabtay.

Maxamed Bashiir ayaa lagu eedaynayaa in uu toogtay nin ay is yaqaanaan oo ay guri wada joogeen.

Dembiga toogashadda ee loo xiray Maxamed Bashiir ayaa dhacay maalintii Jimcaha 9-ka subaxnimo ka hor. Ninka uu toogtay Maxamed ayaa Isbitaalka loola cararay, isaga oo ay boolisku sheegeen in uu yahay dhaawac halis ah.

Related posts

Soomaaliya Iyo Rwanda Oo Heshiis Kala Saxiixday

Bnnstaff Bnnstaff

Diyaarado Aan La Aqoonsan Oo Duqaymo Culus Ka Fuliyay Gobolka Gedo

Bnnstaff Bnnstaff

Guddiga Diiwaan-Galinta Uurada Siyaasada Oo Ku Dhawaaqay Xilliga Ay Xidhmayso Diiwaan-Galintu.

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More