Dowladda Itoobiya Oo Beenisay Warbixin Ay Soo Saareen Guddi Ka Tirsan Qaramada Midoobey

Dowladda Itoobiya ayaa beenisay warbixin ay soo saareen guddi ka tirsan Qaramada Midoobey oo sheegay in ciidamada Itoobiya ay dilal ka geysteen halkaas.

Itoobiya waxay warbixinta ku tilmaantay , “mid aan dhameystirneyn oo aan xaqiiq aheyn” isla markaana la doonayay in lagu waxyeelleeyo dowladda Itoobiya.
Guddiga xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay inay hayaan caddeymo dhameystiran oo ku saabsan in militeriga Itoobiya ay dilal baahsan ka geysteen Tigray.

Dowladda Itoobiya waxay sheegtay “inay iska cad tahay in warbixinta ay tahay mid siyaasadeed iyadoo marmarsiinyo laga dhiganayo warbixin baaritaan ah”.

Dowladda ayaa is difaacday xilli ay sheegtay inay caddaaladda horkeentay dadka lagu helay inay geysteen dambiyo ka dhan ah xuquuqul insaanka.

Related posts

Saraakiisa Gaashaan Buurta Nato Oo Shaaciyay Tirada Askarta Ruuska Kaga Dhimatay Dagaalka Ukraine

Bnnstaff Bnnstaff

Midowga Afrika Oo Sheegay Xilliga Uu Somalia Ka Bilaabanayo Howgalka ATMIS Ee Lagu Bedelayo Amisom

Bnnstaff Bnnstaff

Maxaa Ka Soo Baxay Kulankii Wada Hadalada Xukuumada Iyo Xisbiyada Mucaaridka Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More