Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Maanta Warbixin Siiyay Boqorka Dalka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed kula yeeshay xarunta Qaramada Midoobay ee New York, Boqorka dalka Urdun Boqor Cabdalla Binu Xusseen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa boqorka uga warbixiyey xaalada Soomaaliya iyo isbedellada dhanka amaanka, dhaqaalaha iyo horumarinta ee ay dowladiisu ku howlantahay, isagoo sheegay in ay ka go’antahay xasilnta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Labada Hoggaamiye ayaa isla soo qaaday xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah, iyagoo u ballamay in ay labada dowladood ay u xilsaaraan diblumaasiyiin ka sii shaqeeya qorsheyaasha xiriirka iyo iskaashiga labada ee dhinacyada amniga iyo xasiloonida.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Mareykanka uga qeyb galaya Shirka 77-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey oo lagaga arrinsanayo yareynta saboolnimada iyo xasillooni darrada, horumarinta waxbarashada, shaqo abuurka dhallinyarada, xal u helidda musiibooyinka dabiciiga ah iyo xuquuqda dadka la hayb sooco.

Related posts

Haldoorka Gobolka Soo Oo Madaxwayne Axmed Modoobe Ka Codsaday In Uu Soo Cadeeyo Cidii Ka Dambaysay Dilkii Sheekh Cabdinaasir

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO:- Qaybta Kawbaad Ee Waraysiga Xildhibaan Mahdi Guuleed Iyo Arimo Badan Oo Qarsoonaa Uu Banaanka Soo Dhigay

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Safiirka Filand kala hadlay La Dagaalanka Al-Shabaab

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More