In Ka Badan 1,300 Qof Kana Soo Horjeeday Go’aan Uu Ku Dhawaaqay Putin Oo La Xira

In ka badan 1,300 oo qof ayaa xabsiga la dhigay, ka dib mudaharaado ka dhacay dalka Ruushka kuwaas oo looga soo horjeedo go’aanka madaxweyne Putin ee ku aaddan in la abaabulo qaybo ka mid ah dadka rayidka ah si ay uga dagaalamaan dalka Ukraine, sida ay sheegeen koox si dhow ula socotay hawlgallada ciidamada booliska.

Kooxdan dabagalka oo lagu magcaabo OVD-info ayaa diiwaangelisay in la xidhay ugu yaraan 1,332 qof oo ka qaybgelayey debedbaxyo ka kala dhacay illaa 38 magaalo oo dalka Ruushka oo dhan ah, ka dib markii khudbadda jeediyey madaxweyne Putin.
Mudaharaadadan ayaa ahaa kuwii ugu xoogga badnaa ee ka dhaca dalka Ruushka tan iyo markii ay bilawdeen hawlgallada uu Ruushku ka fulinayey dalka Ukraine, bishii February ee sannadkan.

Wasiirka Difaaca ee Ruushka Sergei Shoigu ayaa sheegay in Ruushku uu haatan abaabulayo illaa 300,000 oo ah ciidamada kaydka, ka dib khudbaddii uu madaxweyne Putin ka jeediyey telefiishanka, isaga oo Putin uu sheegay inuu isticmaali doono tallaabo kasta oo milateri oo habboonaata.

Duulimaadyada ka baxaya dalka Ruushka ayaa toddobaadkan u muuqda kuwo buuxdhaafay, sida laga soo xigtay shirkadaha duulimaadka iyo xafiisyada tikidhada jara, waxaana muuqda in dad badani ay dalka ka dhoofayaan.

Related posts

Dad Shacab Ah Oo Weerar Ku Qaaday Gaadhi Uu Madaxwayne La Socday

Bnnstaff Bnnstaff

Dowladaha Hindiya Iyo Pakistan Oo Gaadhay Heshiis Xabad Joojin Ah.

Bnnstaff Bnnstaff

Maxay Tahay Sobobta Ay Pakistan Oo Leh Hubka Nukliyeerka Uga Mid Noqon Wayday Dalalka G20

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More