Dowladda Soomaaliya Oo Deeq-Bixiyeyaasha Caalamka Ka Dalbatay Jawaab Deg-Deg Ah

Ergayga Madaxweynaha Soomaaliyeed ee arrimaha Gargaarka Bani’danimda Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kulan la qaatay deeq-bixiyeyaasha Caalamka ayaa ku boorriyey in ay deg-deg uga jawaabaan gurmadka abaaraha laga cabsi qabo in ay isku beddalaan macluul.

Ergeyga ayaa hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay u baahan tahay in lagu gacan siiyo sidii ay khayraadkeeda uga faa’iidaysan lahayd,taas oo xal u noqon karta abaaraha ku soo noqnoqday.
Ugu danbayn Ergayga ayaa u mahadceliyey dawladihii deeqda yaboohay, gaar ahaan dawlada Maraykanka oo ku deeqday $150 Malyan oo deeq horleh ah.

Shirka oo diiradda lagu saaray ka jawaabista abaaraha Geeska Afrika ka jira ayaa waxaa wadajir u soo qabanqaabiyey dawaladaha Talyaaniga, Maraykanka, Ingiriiska,Qatar iyo Qaramada Midoobay,

Sidoo kale waxaa ka soo qaybgalay in ka badan 30 dawladood,ururka Islaamka, Jaamcada Carabta, Midowga Afrika, iyo hay’adaha Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha gargaarka Caalamiga ah,USAID, Ingiriiska,Talyaaniga,Qatar iyo Ku xigeenka xogyaha Guud ee Qaramada Midoobay arrimaha gargaarka bani’aadamnimada iyo gurmadka deg-degga ah,iyo sidoo kale madaxda hay’adaha Oxform, ICRC,WFP, IOM iyo IRC.

Related posts

Deg Deg:- Shir Gudoonka Golaha Wakiilada Somaliland Oo La Doortay Iyo Isbahaysigii Mucaaridka Oo Guulaystay

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Turkiga Oo Ciidamo Nabad Ilaalin Ah U Dirtay Gobolka Nagorna Karabaakh

Bnnstaff Bnnstaff

Ex Xildhibaan Mustafe Qodax Oo Hargaysa Lagu Soo Dhaweeyay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More