Ciidanka Dowlada Somaliya Oo Kaashada Shacabka Oo Deegaano Cusub Ka Qabsaday Alshabaab

Ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee la magac baxay Macawiisleey oo weli howlgallo ka wada degaano katirsan gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay Maanta la wareegeen degaano kuyaalla Galbeedka Magaalada Beledweyne, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Howlgalka oo saaka aroortii soo bilaawday ayaa waxaa ay ciidamada kula wareegeen degaannada Wajab, Camarjibiye, Lalaba iyo Degaano kale oo dhanka Galbeedka Magaalada Beledweyne ugu beegan 70KM isla markaan u dhaw Degmada Ceelcali ee Gobolka Hiiraan.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay inay degaannadaas ay dagaal uga saareen Maanta Al-Shabaab, isla markaana ay guud ahaan xaqiijiyeen Amniga degaannadii ay la wareegeen.

Mas’uuliyiin katirsan dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle iyo Saraakiil katirsan ciidamada xoogga dalka ayaa kusoo sugan degaannada ay howlgallada ka socdaan ee Gobolka Hiiraan, waxana ay dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadaan degaanada Ceelcadde iyo Ceel-Matoor oo sidaan kale Al-Shabaab looga Saaray Maalmo kahor.

Related posts

Xoghayaha Warfaafinta Wadani Oo Shaaciyey Inay Dacwad Ka Gudbi Doonaan Murashaxiin Ka Tirsan Xisbiga Kulmiye

Bnnstaff Bnnstaff

Dil Ka Dhacay Magaalda Burco Iyo Faah Faahin Kasoo Baxeya Dilkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Banaannax Lagaga Soo Horjeedon Gumaadka Ay Ciidamada Kenya Ku Hayaan Shacabka Oo Ka Bilawday Gobolka Gedo

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More