Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Kulan La Qaatay Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada New York ee dalkan Mareykanka kula kulmay Xoghayaha Guud ee Qarmada Midoobay António Guterres, waxayna ka wadahadleen arrimo dhowr ah oo la xiriira Soomaaliya iyo caalamka.

António Guterres ayaa ugu hambalyeeyay madaxweyne Maxamuud doorashadiisa, waxayna intaas kadib ka wadahadeen arrimaha ‘mudnaanta u leh’ Soomaaliya, sida iskaashiga dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah, xoojinta hay’adaha dowladda Soomaaliya, xaaladda bini’aadantinimo ee daran, baahida loo qabo in wax laga qabto saameynta isbeddelka cimilada, iyo xaaladda amniga Soomaaliya.

“Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xasilloonida dalka, waxa uuna la wadaagay Xoghayaha Qaramada Mideoobey, halganka isku dhafka ah ee ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay wadaan ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya kaddib kulanka madaxweyne Xasan SHeekh iyo António Guterres.

“Xoghahaya Qaramada Midoobey António Guterres ayaa soo dhaweeyey aragtida Madaxweynaha ee la xiriirta dib u qaabeynta mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyaan dalka, waxa uuna tilmaamay in talooyinka iyo soo-jeedinta Madaxweynaha ay ku saleynayaan qorshahooda, sidoo kalena ay dardar gelinayaan doorka Beesha Caalamka ee gurmadka abaaraha” ayuu raaciyay bayaanka Villa Soomaaliya.

Madaxweynah Soomaaliya ayaa maalmahaan ku sugnaa xarunta Qaramada Midoobay ee New York halkaas oo uu uga qeybgalay shirka 77-aad ee golaha guud, isaga oo khasmiistii ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay isbeddelka cimilada, Covid-19 iyo argagixisada

Related posts

“Somaliya Daacad Kama Ah Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya” Siyaasi Cali Waran Cade

Bnnstaff Bnnstaff

Maxaa Lagaga Hadli Doonaa Shirka Golaha Wadatashiga Ee Maanta Ka Furmaya Magaalada Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Ethiopia Oo Shaacisay In Ay Bilaabeyso in Ay Koronto Ka Dhaliso Biyo-Xidheenka Wabiga Nile

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More