Banaanbaxyo Lagaga Cabanayo Madaxwayne Trump Oo Ka Dhacay Washington

Iyadoo ay xilligan habeen u tahay Mareykanka, goobaha codbixintuna ay soo xirmayaan, codadkana la tirinayo, dibadbaxyo ka dhan ah Madaxweyne Trump ayaa ka socda waddooyinka maagalada Washington DC.

Boqolaal qof oo waddooyinka isugu soo baxay, ayaa qaarkood xiraya waddooyinka ay gawaaridu maraan isla markaana taayarro gubaya. Waxay qaarkood ku dhawaaqayeen: “Haddii aynaan helin caddaalad, nabad ma helayaan!”

Dibadbaxyadu waxay ahaayeen kuwo aan rabshado wadan, balse waxaa jira warar sheegaya dad isaga hor yimid bannaanka Aqalka Cad. Saddex qof ayaa la xiray, sida uu tebiyay NBC Washington.

Qeybaha kale ee dalkaas, waxaa jira warar sheegaya in la kala cayriyay dad dibadbaxyo ka dhigayay Los Angeles, California; Raleigh, North Carolina; Portland, Oregon iyo New York City.

Dhanka kale, ganacsatada ayaa qaarkood xiray goobahooda ganacsiga iyaga oo ka baqaya in natiijada ay rabshad sababto.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Muuse Biixi Oo Kormeero Kala Duwan Ku Tegay Laamaha Dowlada Ee G/Awdal Xadh Ka Jarna Sameeyay

Bnnstaff Bnnstaff

Wafdi Ka Socday Hay’addo Caalami Ah Oo Gaadhay Gedo Iyo Ujeedka Safarkooda

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Qoor Qoor Oo Kulan La Qaatay Safiirka Maraykanka Ee Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More