Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Kulan Ka Qaatay Dhigiisa Dalka Maraykanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galayey Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale ka qaybgalay martiqaad uu ku maamuusay Madaxweynaha Dowladda Maraykanka Joe Biden.

Madaxweynuhu waxa uu ku bogaadiyey dowladda Maraykanka doorka ay ka qaadanayso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo sida uu sheegay caqabad ku ah nolosha iyo horumarka dadka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo iskaashanaya ay dalkooda ka xoreynayaan Al-Shabaab, si Shacabka looga dulqaado caqabadaha ay ku hayaan.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay Madaxweynaha in xilligaan dagaal naf-hurnimo iyo geesinimo ah uu ka socdo deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan Al-Shabaab, taasina ay u baahan tahay garab istaag iyo taageero caalami ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay ula kulmay, isla markaana dagaalka Al-Shabaab kala hadlay Madaxdii ka qeyb gashay Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey.

Related posts

Raysal Wasaare Rooble Oo Xilkii Ka Qaaday Wasiirka Amniga Somaliya Wasiir Cusubna Magacaabay

Bnnstaff Bnnstaff

Madasha Badbaadoi Qaran Ee Muqdisho Lagaga Dhawaaqay Oo Qoraal Xasaasiya U Dirtay Beesha Caalamka

Bnnstaff Bnnstaff

Guddiga Khilaafaadka Oo Hakiyey Natiijada Doorashadii Uu Kusoo Baxay Yaasiin Fareey

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More