Dowladda oo sheegtay In Howlgal Lagu Dilay 30 Katirsan Al-Shabaab

War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka ay howlgalladii ugu dambeeyay ku dileen 30 ka tirsan Ururka Al-Shabaab, isla markaana laga xoreeyey ku dhowaad 15 deegaan.

Hawlgallo saf ballaaran ah oo lagu ciribtirayay Al-Shabaab ayaa ciidamada xoogga oo garabsanaya xaq dirirka shacabka ee ka kacdoomay falalka ay geeysanayan Al-Shabaab waxa ay ka sameeyeen gobalada Galgaduud, Hiiraan iyo Baay ayaa lagu yiri” Warka dowladda.

Dowladda Soomaaliya waxaa ay sheegtay in saacadihii la soo dhaafay howlgallo lagula wareegay degaannada kala ah, Ceel la helay, Labi-dulle, Dhuumoodle, Dhisaqa, Abooreey, Cali wayd &
Maygaag duub oo ka tirsan Gobolla Galgaduud.

Ciidanka dowladda iyo Dadka Deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay magaalada Muqakori oo ah magaalo istaraatiiji ah, halka sidoo kale gobolka Baay Ciidanka oo gacan ka helaya dadkooda ay la wareegay deegaano dhowr ah

“Dowladda Soomaaliya waxa ay u sheegaysaa dhalinyarada ay qaldaneen Al-Shaaab in ay isi soo dhiibaan xilli si ay naftooda u badbaadsadaan kacdoonka lagu ciribtirayo Al-Shabàab ayaa lagu soo geba-gabeeyay Warka dowladda.

Related posts

Turkiga Oo Khadka Ka Saaray Barnaamijka WhatsAppka Iyo Mid Cusub Oo Lagu Bedelay

Bnnstaff Bnnstaff

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ansixiyay Xeerka Dib U Furista Ururada Siyaasada Xili Ay Mucaaridku Diidanyihiin

Bnnstaff Bnnstaff

Maamulka Galmudug Oo Digniin Culus Ka Soo Saaray Dagaal Beeleedyada Deegaanada Maamulkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More