Codsi Uu Soo Gudbiyey Siciid Deni Oo Laga Hor Akhriyay Golaha Wakiillada Puntland

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboledka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1aad, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 31-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland.

Fadhiga maanta oo ay goob-joog ahaayeen 56 Mudane, waxaa Golaha laga hor akhriyey codsi uu golaha u soo gudbiyey Madaxweynaha Puntland, kasoo ku saabsaanaa in magacaabidda, xubnaha Garsoorayaasha Maxkamadda Sare dib loogu dhigo muddo 30 cisho ah. Waxaa codsigaas Madaxweynaha Oggolaaday 42 Mudane, waxaa diidey 6 Mudane, halka ay ka aamuseen 8 Mudane.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Wakiilalda ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay dhaarinta ay Maxkamadda Rafcaanku dhaarinayso mas’uuliyiinta magacaaban, arrintaas oo ka hor imanaysa 132-aad qodobka ee Dastuurka Dawladda oo sheegaya in qof kasta oo xil sare ka qabanaya Puntland ay dhaarinayso Maxkamadda Sare ee Dawlad Goboledka Puntland.

Sidaas darteed Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa faray in mas`uuliyiinta Sare ee Puntland u hoggaansamaan qodobka Dastuuriga ah ee kor ku xusan.

Ugu dambeyntii, Gudddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdirashiid Yuusuf Jibriill ayaa soo xiray kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Related posts

Daawo:- Dood Kulul Oo Dhex Martay Xasan Sheekh Mahdi Guuleed Shariif sakiin Iyo Xildhibaan Foosiya

Bnnstaff Bnnstaff

Taliyaha Ciidanka Xoogga Oo Sheegay Ineey u Aar Gudi Doonaan Shacabka Gobalka Hiiraan.

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiirka Gaadiidka Somaliland Oo Sheegay In Loo Diyaar Galoobayo Furista Urarada Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More