Dilal Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Faah Faahino Laga Helayo

Dilal kala duwan ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay ka dhaceen magaalada muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya, kuwaas oo loo geystay Ganacsato iyo Nabaddoon Caan ahaa Muqdisho iyo guud ahaan dalka.

Kooxo ku hubeysnaa Bustoolado ayaa Suuqa weyn ee degmada Wadajir ku diley ganacsade Daahir jugle oo kamid ahaa ganacsatada kasoo jeeda Magalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Ragga hubeysanaa ay Ninka oo Dhalinyaro ahaa ku dileen goobtiisa ganacsiga iyagoo markaasi ka dib goobta ka baxsadey, iyaga oo goobta ay tageen Ciidamo katirsan kuwa dowladda balse aysan ku guuleysan inay qabtaan dadkii dilka geystay.

Dhinaca kale Kooxo hubeysan ayaa Maanta gudaha Suuqa weyn ee bakaaraha ku dishay Nabaddoon kamid ah Nabaddoonada Soomaaliyeed, kaas oo la sheegay inay qaraabo dhow ay ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Haweenka ee Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye, kaas oo magaciisa lagu soo koobay Nabaddoon Taakoow.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal qorsheysan oo loo geysto, Askar, Mas’uuliyiin dowladeed iyo Ganacsato iyo Nabaddoono la sheegay inay xiriir la leeyihiin dowladda Soomaaliya, waxaana mas’uuliyadda dilalka sheegta Ururka Al-Shabaab.

Related posts

Gudoomiye Baashe,Wasiir Koore Iyo Masuuliyiin Kale Oo Fariin U Diray Shacabka Reer Laascaanood

Bnnstaff Bnnstaff

Midawga Yurub Oo Walaac Xoogan Ka Muujiyay Badhcad Badeedda Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Maxkamad Xukun Ku Riday Nin Ka Tirsan Kooxda Daacish

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More