Raysal Wasaare Rooble Ayaa Faray Maamulka G/Banaadir In Ay Dardar Galiyaan Howlaha Nadiifinta Wadddooyinka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Somaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeer ku tegay wadada aada garoonka Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho, halkaas oo laga dhurayo biyaha xiray ee ka dhashay roobabkii maalmahan ka da’ayay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waribixin ku saabsan qaabka ay u socoto howsha nadiifinta jidka ay biyuhu jareen ka dhageystay ku simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo guddoomiye ku xigeenka gobolka ee howlaha guud.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray maamulka gobolka Banaadir in ay dardar galiyaan howlaha nadiifinta wadddooyinka muhiimka ah ee xirmay roobabka da’aya, waxa uuna ku baaqay in la caawiyo dadka ku waxyeelloobay roobabkan, gaar ahaan dadka nugul iyo barakacayaasha.

“Waxaan mar kale ku baaqayaa in loo gurmado dadka ay dhibaatooyinku ka soo gaareen roobabkii maalmihii la soo dhaafay ka da’ayay magaalada Muqdisho” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Siyaasi Cabdilaahi Jawaan Oo Ka Hadlay Qabsoomiyada Doorashooyinka Somaliland Fariina U Diray Guurtida

Bnnstaff Bnnstaff

Maamulka Galmudug Iyo Dowlad Degaanka Soomalida Itoobiya Oo Kala Wareejiyay Xoolo Ay Maleeshiyaad Kale Dhacen

Bnnstaff Bnnstaff

Maxkamada ICJ Maanta Galinka Dambe Ku Dhawaaqaysa Go’aanka Dacwada Ee Bada Ee Kenya Iyo Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More