Howlgalka ATMIS Oo Ciidamo Ka Qeyb Qaata Dagaalka Al-Shabaab u Tababaray Jubbaland

Tiro dhan 150 askari oo ka tirsan ciidamada booliska dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland ayaa qalin jabiyay ka dib muddo saddex bilood ah oo uu socday tababar shaqo qoris ah oo ay fulinayeen ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS.

Shaqaalahan ayaa ka mid ahaa dufcaddii shanaad ee tababarka loo soo xirayo si loo dhammeeyo tababbarka loogu talagalay in lagu tayeeyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed (SPF) iyo fududeynta in xilalka amniga laga wareejiyo ATMIS laguna wareejiyo ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.

Intii lagu guda jiray munaasabadda , Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Fiona Lortan, ayaa kula talisay shaqaalaha howsha hortaalla ee ah ilaalinta iyo u adeegidda bulshada.

“Waxaan idinku boorinayaa inaad si dhab ah u qaadataan wixii aad barateen saddexdii bilood ee la soo dhaafay oo aad xasuusataan in boolisnimadu ay noqon karto xirfad adag. Sidoo kale, ha ilaawin inaad ilaaliso xirfadaada iyo u adeegida Bulshadaada ayay tiri” Fiona Lortan.

Ms. Lortan ayaa xustay in qeybta booliska ee ATMIS ay taageero maamul iyo macalimiin siiyeen tababarka. Sidoo kale, tababarkan ayaa waxaa ka horeeyay tababarkii kooxda shaqaalaysiinta iyo hubinta shaqaalaha la qaadanayo.

Tababarka waxaa lagu taageeray Barnaamijka Wadajirka ah ee Booliska waxaana lagu baranayay mowduucyo kala duwan oo ay ka mid yihiin xuquuqul insaanka, jinsiga, heerarka xirfadeed ee booliska, maareynta nidaamka guud, iyo baaritaanka goobaha dambiyada.

Taliyaha Ciidanka Booliska ee ATMIS, ayaa sheegay in qoritaanka iyo tababarada Booliska ay tahay mid lagu fulinaayo qaraarkii Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

“ATMIS waxa ay Soomaaliya ka bixi doontaa bisha December 2024, ATMIS, oo ay weheliyaan saaxiibada caalamiga ah, waxa ay taageerayaan qorista bilayska iyo tababarka si loo sugo amniga Soomaaliya,” ayuu yiri Taliyaha.

Sida uu sheegay madaxweyne ku xigeenka Jubaland, Maxamuud Sayid Aadan, ciidamada tababarka loo furay ayaa la sheegay in ay ka qeyb qaadan doonaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen sugidda amniga deegaanada maamulka Jubaland. Waxa uu sidoo kale u mahadceliyay ATMIS iyo hay’adaha kale ee la shaqeeya taageerada barnaamijka tababarka booliska.

“Idinkoo ah ciidamada booliska ee dhawaan la qoray, waxaan idinku boorinayaa inaad u istaagtaan ilaalinta bulshada. Booliisku waa shaqo aad u adag, waana in aad u dulqaataan oo aad ka feejignaataan khataraha jira oo aad ilaalisaan nabadda iyo xasiloonida.” Ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.

Related posts

Madaxweynaha Koofur Afrika Oo Ka Digay In Dalkiisa Uu Noqdo Goob Lagu Raadsado Dhiggiisa Ruushka.

Bnnstaff Bnnstaff

Ciidamada Dowladda Iyo Maleeshiyaad Hubeysan Oo Xalay Dagaal Ku Dhexmaray Muqdisho.

Bnnstaff Bnnstaff

Kulan Magaalada Muqdisho Ugu Socda Raysal Wasaare Rooble Iyo Midowga Murashaxiinta

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More