Qaramada Midoobay Oo Dalbatay In La Bixiyo Lacago Horay Loogu Ballan Qaaday

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Isniintii ka codsaday dalalka horumaray inay ka dhabeeyaan ballan-qaadkoodii ahaa inay bixiyaan $100 bilyan oo dollar, si ay u taageeraan hawlaha la xidhiidha wax ka qabashada isbedelka cimilada ee dalalka soo koraya, ka hor shirweynaha dib u eegista cimilada ee bisha November ka dhacaya dalka Masar.
Wasiirada, khubarada cimilada iyo wakiillada bulshada rayidka ah ayaa toddobaadkan ku shiraya caasimadda dalka Congo ee Kinshasa, si ay u diyaariyaan ajandaha shirka bisha November ee loo yaqaano COP27, kaas oo ka dhici doona xeebta badda cas ee Sharma el-Sheikh. Shirkaas ayaa la filayaa inuu socdo inta u dhexeysa 6-da bisha illaa 18-ka bisha November.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dalalka horumaray ee ku bahoobay ururka G20 inay yihiin kuwa caalamka ku sii daaya qiiqa ugu badan, taas oo qiyaas ahaan noqonaysa 80% qiiqa dunida ee hawada lagu sii daayo. Iyada oo ay taasi jirto, ayay haddana ka gaabiyeen inay fuliyaan ballan-qaadkoodii ahaa inay bixiyaan illaa $100 bilyan oo wax lagaga qabto isbedelka cimilada.

Related posts

Dowlada Itoobiya Oo Shuruudo Ku Xidhay Joojinta Dagaalka Ay Kula Jirto TPLF

Bnnstaff Bnnstaff

Golaha Guurtida Somaliland Oo War Ka Soo Saaray Xaalada Guud Ee Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

Doorashadii Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Somaliya Oo Mar Kale Dib U Dhacday

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More