Wiilkii Madaxweynaha Dallka Uganda Yoweri Museveni Oo Xilkii Laga Qaaday

Labo-xiddigle Janaraal, Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiilka uu dhalay madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, ayaa laga qaaday xilkii uu hayay ee ahaa taliyaha ciidamada dhulka.

Hase yeeshee, waxaa loo dallacsiiyay darajada Janaraal buuxa, oo ah heerka ugu sarreeya ee laga gaaro militeriga dalka Uganda.

Waxa uu sidoo kale sii ahaan doonaa la-taliyaha madaxweynaha ee howlgallada khaaska ah.

Janaraal Kainerugaba waxa uu horay u ahaa taloyaha ciidamada khaaska ah ee u xil saran ilaalinta madaxweyne Yoweri Museveni.

Sarkaalkan oo hoggaaminayay ciidamada Uganda ee howlgalka u tagay Soomaaliya, haddana abaanduule u ahaa guutada la dagaallanka kooxda fallaadaga ah ee ADF ee Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo, ayaa markii dambe waxa uu noqday taliyaha ciidamada dhulka ee Uganda.

Lama oga in xil ka qaadista iyo dallacsiinta hadda lagu sameeyay ay xiriir la leeyihiin hadalladiisii muranka dheliyay ee uu Twitterka kusoo qorayay labadii maalmood ee ugu dambeeyay.

Isniintii, Janaraal Kainerugaba waxa uu bartiisa Twitter-ka kusoo qoray in “isaga iyo ciidankiisa ay labo isbuuc ku qaadan karto in ay la wareegaan caasimadda waddanka deriska la ah ee Nairobi.

Related posts

Turkiga Oo La Wareegay Hogaaminta Golaha Guud Ee Qaramada Midoobay

Bnnstaff Bnnstaff

“Anigoo Ah Ninka Sababay In Xisbiga Kulmiye Waayo Shirgudoonka Waxaan Leeyahay Shir Gudoonku Sharciga Ha Ku Soo Noqdo” Xil Guruuje

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Itoobiya Oo Shacabka Tigreyga Ugu Baaqday in Ay Ka Baxaan Caasimada Mekelle

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More