Cidankii Ugu Badnaa Oo Loo Diyaariyay Dagaalka AL-Shabaab Oo Ka Amba-Baxay Muqdisho

Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka iyo dadka deegaanka ayaa ka amba baxay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ujeedkoodu yahay inay la wareegaan deegaannada ay heystaan dagaalamayaasha AL-Shabaab.

Saraakiisha Hoggaamineysa Ciidamada ayaa sheegay in howlgallada u horreeya ka billaabi doonaan Gobolka Shabeellada Dhexe, halkaasi od agaalamayaasha AL-Shabaab ay ka haystaan degaanno badan oo ka tirsan Gobolkaasi.

Mas’uuliyiin kala duwan oo iyaguna ka hadlay goobta ay ka ambabaxeen Ciidamada ayaa sheegay in kaliya aysan ku hakan doonin gobolada Shabeellada Dhexe, balse sii wadi doonaan howlgalka ilaa Galgaduud iyo Mudug.
Goobta ay ka amba-abaxayeen Ciidanku ayaa waxaa lagu soo bandhigay Hub iyo gaadiid dagaal oo loogu tala-galay Ciidamada la diyaariyay eek u wajahaan degaanadada AL-Shabaab ay ka haystaan Gobolka SHabeellaha dhexe.

Ciidankan iyo gadiidkan ayaa waxay qayb ka yihiin abaabul dagaal xoogan oo maalmahan si weyn uga socday Magaalada Muqdisho iyo qaybo ka mid ah Gobolka Shabeellada dhexe.

Maalmihi ugu dambeeyay waxaa Magaalada Muqdisho laga dareemayay Abaabul xooggan oo Ciidamo loogu diyaarinayo Gobolka Shabellaha dhexe,kuwaasi oo u jeedkoodu yahay in dagaalamaayasha AL-Shabaab ay ka saaraan degaanada ay ka haystaan Gobolkaaasi.

Related posts

xildhibaanad Ilhaan Cumar Oo Weerar Qaawan Ku Qaaday Madaxwaynaha Dowlada Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Ciidanka Kenya Oo Sheegay In Ay Gobolka Lamu Ee Dalkaasi Ku Dileen 4 Xubnood Oo Alshabaab Ah

Bnnstaff Bnnstaff

Mareykanka Duqeymo Uu Ka Fuliyay Soomaaliya Uu Ku Dilay Xubno Ka Tirsan Ururka Al-shabaab

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More