Qaraxyo Waawayn Oo Ka Dhacay Caasimada Dalka Ukraine Ee Kyiv Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Wararka ka imaanaya dalka Ukraine waxay sheegayaan in qaraxyo dhowr ah laga maqlay magaalada caasimadda ah ee Kyiv.

Tiro dad ah ayaa ku dhaawacmay halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen duqeymaha ka dhacay Kyiv saaka, sida ay sheegtay waaxda gurmadka deg dega ah ee Ukraine.
Sawirro iyo muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa la arkayay qiiq cirka isku shareerayo oo kasoo baxyo dhismayaal ku yaalla Kyiv.

Duqeymahan loo geystay Kyiv labo maalin uun kadib markii uu qarax burburiyay buundadii isku xireysay gobolka Crimea iyo dalka Ruushka.

Shaley madaxweyne Vladimir Putin wuxuu ku eedeeyay in sirdoonka Ukraine inay sameeyeen waxa uu ku tilmaamay fal argagixiso.

Related posts

“Waa Sharci Daro In Coldoon Xabsiga Dib Loogu Celiyo” Garyaqaan Mubaarig Aar

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan Oo Ka Jawaabay Dalabkii Sweden

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiirka Difaaca Somaliya “Anigoo Xorreyn Degaanada KGS, Wasiirnimadeyda Wax Badan Ayaa Ka Dhiman”

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More