Taliye Cusub Oo Loo Magacaabay Qeybta Booliska Gobolka Banaadir

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir iyo fadhiyada hoos yimaadda u magacaabay G/le Sare Mahdi Cumar Muumin.

G/le Sare Mahdi Cumar Muumin ayaa bedelaya Taliyihii hore ee qeybta booliska Gobolka Banaadir Farxaan Qaroole oo 30-kii Bishii September lagu dilay qarax ka dhacay degaanka Basra ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliye Mahdi ayaa Shaqooyin kala duwan kasoo qabtay Hay’adaha Amniga dalka, isaga oo mar soo noqday Taliyaha Arrimaha Bulshada Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya ee NISA iyo xilalka kale.

Sidoo kale Taliyaha cusub ee qeybta Booliska obolka Banaadir Gaashaanle Mahdi ayaa hadda ahaa Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda NISA qeybteeda deegaannada Galmudug.

Related posts

Xiisad Ka Taagan Dalka Pakistan Ka Dib Xilka Qaadistii Raysal Wasaare Imraan Khan

Bnnstaff Bnnstaff

Daawo: Qaabkii Madaxwayne Muuse Biixi Loogu Soo Dhaweeyay Dila Iyo Borama

Bnnstaff Bnnstaff

Taliska Booliska Somaliya Oo War Kasoo Saaray Qaraxii Maanta Ka Dhacay Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More