Gaari nooca Soomaalida u taqaano Caasi ama Homey oo ay saarnaayeen dad Shacab ah ayaa Maanta waxaa uu qarax ku qabsaday degaanka Xaawa Cabdi oo kuyaalla wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.
Gaariga oo ka tegay Magaalada Muqdisho ayaa goobjoogayaal sheegeen in miino nooca dhulka lagu Aaso ah ay qabsaday, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday dadkii saarnaa Gaariga.
Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo gurmad u sameeyay dadkii ku dhaawacmay qatada, wallow aan weli la ogeyn tirada dadka dhimashada iyo dhaawaca ku noqday qaraxa.
Wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay qaraxyo miino oo lala eegtay Ciidammo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo howlgalka ATMIS, waxaana mararka qaar ay khasaaro kasoo gaartaa dad Shacab ah.