Borama News Network

Golaha Guud Ee Qarama Midoobay Oo Aqoonsaday Falastiin

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey (QM) ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyey qaraar sare loogu qaadayo haykalka dowladnimo ee Falastiin, ka dib codbixin ay u qaadeen dalalka xubnaha ka ah QM.

Qaraarkan oo daba socda dalab Falastiin horay ugu jeedisey Golaha Ammaanka balse fashilmay markii Mareykanku adeegsadey diidmada qayaxan, ayaa muujiyey sida dunidu ugu heellan tahay in Falastiin lagu soo dhaweeyo Qaramada Midoobey.

Ka dib codbixin loo qaaday qaraar lagu doonayey in Falastiin loo aqoonsado xubin buuxda oo QM ka mid ah, ayaa waxaa ogolaadey 143 dal, waxaa diidey 9 dal, halka 25 dal ay ka aamuseen.

Fadhiga Guud ee Qaramada Midoobey oo ay xubno ka yihiin 193 dal, ayaa sidaas xubin ugu aqoonsaday Falastiin, wuxuuna sidoo kale ugu baaqay Golaha Ammaanka ee QM in aqoonsadaan xubinnimada Falastiin.

Falastiin ayaa tan iyo 2012 kor-joogto ka ahayd Qaramada Midoobey, wuxuuna qaraarkani siinayaa dhammaan xaquuqaaha dalalka xubnaha ka QM, marka laga reebo in aysan codeyn karin tan iyo inta ay ka wada ogolaanayaan dalalka rigliga ku ah Golaha Ammaanka.

Madaxweynah Maamulka Falastiin Maxamud Cabbaas ayaa soo dhaweeyey natiijada ka soo baxday codobixinta Golaha Guud ee QM, wuxuuna sheegay in uu doonayo in uu mar kale qaddiyadda Falastiin hor geeyo Golaha Ammaanka oo todobaadkii hore uu guuldarro kala kulmay, ka dib diidmadii Mareykanka.

Isra’il ayaa dhankeeda cambaareysey codbixintan QM oo ay ku tilmaanatay ‘martiqaad argagixo.’

Dhanka kale qaar ka mid ah dalalka ku jira Midowga Yurub ayaa shaaciyey in ay si gooni gooni ah u aqoonsanayaan dalnimada Falastiin todobaadyada soo socda.

Related posts

Kumannaan kun oo ruux oo raba in ay lug kusoo galaan Mareykanka oo soo gaaray koofurta Mexico

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwaynaha Maamulka Galmudug Qoor Qoor Oo Magacaabay Wasiiro Cusub

Abdiaziz Bnnstaff

Midowga Yurub Oo Si Kummeelgaadh Ah u Joojiyay Fiisooyinka La Siinayo Itoobiyaanka

Abdiaziz Bnnstaff