Ciidamada Dowlada Itoobiya Oo Kooxda TPLF Kala Wareegay Sadex Magaalo Oo Muhiim Ah

Ciidamada Itoobiya ayaa qabsaday saddex magaalo oo ka tirsan gobolka waqooyi ee Tigray, sida ay dowladdu sheegatay Talaadadii, waxaana laba ka mid ah magaalooyinkaas ay u dhow yihiin koofurta magaalada caasimadda Tigray ee Mekelle.

Ciidamada Itoobiya iyo xulafadooda oo ay ku jiraan ciidamo ka socda dalka ay deriska yihiin ee Eritrea ayaa dagaal goos-goos ah kula jiray ciidamada Tigrayga muddo labo sano ah, waxaana colaaddaas galaaftay kumanaan qof, malaayiin qofna ay ku barakiciyeen, halka boqolaal kun oo kalena ay qarka u saaran yihiin macaluul.

“Ciidanka ENDF (Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya) waxay la wareegeen gacan ku haynta magaalooyinka Shire, Alamata, iyo Korem iyadoo aan dagaal ka dhicin,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Itoobiya.

Afhayeenka ciidamada Tigreega ayaan ka jawaabin codsi la xiriira hadalka dowladda, iyadoo dhinaca kale, maamulka Tigraygu ay qireen inay gacantooda ka baxday magaalada Shire oo ah magaaloo istiraatiiji ah, oo ku taalla qiyaastii 140 km (90 mayl) waqooyi-galbeed ee Mekelle.

Shire waxay leedahay garoon diyaaradeed waana mid ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn gobolka. Waxay magaaladan martigelisaa tobannaan kun oo qof oo ka barakacay degaannada kale ee colaaduhu ka jiraan.

Mid ka mid ah dadka deggan magaalada Mekelle ayaa sheegay in dadku ay ku yaaceen goobaha laga adeegto, si ay usoo gataan, una kaydsadaan waxyaabaha aasaasiga ah, iyadoo ay sii kordhayso maciishaddu iyo cabsida laga qabo in ciidamada federaalka iyo kuwa Eritrea ay yimaadaan magaaladaas.

Colaada Tigreega ayaa salka ku haysa loolan dheer oo u dhexeeya kooxaha awoodda ku leh gobolka, kaas oo ku saabsan cidda la wareegeysa talada Itoobiya, iyo sidoo kale ismaandhaaf hoose oo salka ku haya sidii la isugu dheeli tiri lahaa awoodaha dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo dhowr sarkaal oo Maraykan ah, Madaxda dowladda ayaa dhamaantood ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah, in la bilaabo wadahadallo ay garwadeen ka yihiin Midowga Afrika iyo in ciidamada Eritrea laga saaro Itoobiya.

Related posts

Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Oo Si Adag Ugu Jawaabay Waabeeye

Bnnstaff Bnnstaff

Qiimihii Lcagta Liiraha Turkiga Oo Soo Noqday Hanjabaadii Ordogan Ka Bacdi TPLF Oo Wada Hadal U Diyaar Ah

Bnnstaff Bnnstaff

“Xisbiga Kaliya Ee Jiraaba Waa Xisbiga Kulmiye Kuwii Kale Way Siqiireen” Siyaasi Uurcade

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More