Erdogan Oo Ogolaaday Qorshaha Putin Ee Ah In Turkigu Uu Xarun Qaybisa u Noqdo Gaasta Dabiiciga Ah Ee Ruushka

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa saxiixay qorshaha madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ee uu ku doonayo in Turkigu uu xarun u noqdo gaasta dabiiciga ah ee Ruushka. Erdogan ayaa sheegay in Turkigu uu sugayey fursaddan muhiimka ah, isagoo sheegay inuu ogolaaday qorshaha Putin.

“Wadamada Yurub waxay hadda raadinayaan meel ay ka helaan sahayda gaaska dabiiciga ah,” ayuu yidhi madaxweyne Erdogan, “Ilaah mahadii Turkiga kama jirto dhibatadaas oo kale. Waxaan rajeyneynaa, inaan dhowaan noqon doono xarun gaaska dabiiciga ah qaybisa.”

Toddobaadkii hore madaxweyne Putin ayaa sheegay in gaasta dabiiciga ah loo wareejin doono dalka Turkiga lagana bedeli doono dhuumaha shidaalka ee Nord Stream ee dhex mara biyaha badda Baltic ee u dhaxaysa dalalka Yurub iyo Ruushka, kuwaas oo dhowaan ay waxyeelleeyeen qaraxyo loo geystay.

Ruushka ayaa hore gaasta u siin jiray dalka Turkiga, isaga oo u soo marin jiray dhuumaha shidaalka ee lagu magcaabo TurkSteam, kuwaas oo hoos mara biyaha badda Madow. Laakiin Kremlin ayaa qiratay in dhuumahaas shidaalku aanay lahayn awood ay ku qaadaan gaasta dheeriga ah.

Senem Duzgit oo ah macalin culuumta siyaasadda iyo xidhiidhka caalamiga ah ka dhiga jaamacadda Istanbul ayaa sheegay in marka uu Ruushku awoodo inuu dalka Turkiga soo gaadhsiiyo gaasta lagu heshiiyey, inay suuro gal tahay in xilligaas ay Yurub ay heshay meel kale oo ay ka heli karto gaasta ay u baahan tahay.

“Waxaan ula jeedaa, yaa iibsanaya gaastaas?” ayuu yidhi, “waxaan leeyahay, run ahaantii, haddii ay reer Yurub diidaan inay iibsadaan gaastaas, yaa kale oo iibsanaya? Haddaba yuu Turkigu xarun u noqon doonaa? Sax? Yaa noqon doona meesha ay gaastu u socoto? Taasi waa qodobka aanan fahmin weli”

Hindisaha Putin ayaa ku soo beegmaya xilli ay Ankara isku dayayso inay isu dhigto beddelka tamarta Ruushka ee dalalka Yurub, sida uu sheegay afhayeenka madaxtooyada Turkiga Ibrahin Kalin.

Related posts

Odayaashii Dhaqanka Ee Dhawaan Muqdisho Ka Baxay Oo Tagay Furuumaha Dagaalka Laascaano

Bnnstaff Bnnstaff

Weerar Lagu Dilay 36 Qof Oo Rayid Ah Bariga dalka Congo Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Bnnstaff Bnnstaff

Xukuumada Madaxwayne Biixi Oo Amaro Ku Soo Rogtay Kaalmaha Shidaalka,Guryaha Iyo Shirkadaha Dhismaha

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More