Borama News Network

Hoggaamiyii Militari Dalka Chad Mahamat Déby Oo Si Rasmi Ah Loogu Doortay Madaxwaynaha Dalkaasi

Hoggaamiyaha Militari ee Chad Mahamat Déby ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay in uu ku guuleystey xilka madaxweynimo, ka dib doorashooyin muran dhaliyey oo todobaadkii hore ka dhacay dalkaas.

Sida laguy shaaciyey natiijada horudhaca ah ee Guddiga Doorashada Chad, Jeneraal Déby ayaa helay 61.3% cododkii la bixiyey, halka musharraxa ugu soo dhow oo ah ra’isul Wasaarihii hore ee dalkaas Succes Masra uu helayt 18.53%.

Mr Masra ayaa dhankiisa sheegaty in uu isagu wareeggii hore ee doorashada ku guuleystey cod aqlabiyad leh, balse cododkii dadweynaha laga xaday.

Jen. Déby oo 40 jir ah ayaa waxaa talada saaray militariga dalkaas, ka dib geeridii aabihiis Idriss Déby Into oo 2021 ku baxay gacanta ciidamada fallaagada oo uu dagaal kula jirey.

Guusha Jen. Déby ayaa ka dhigan in xukunka 34 sano jirsadey ee qoyska reer Deby uu ku sii nagaanayo dalkaas dhaca Waqooyi bari ee Afrika. Waxaase adkaan doonta sida dadweynaha dalkaas looga dhaadhiciyo in halkaas ay ka dhacday doorasho xor iyo xalaal ah; maadaama taladu ku urursaneyd gacanta taliska guunka ah.

Related posts

Wasaarada Caafimaadka Somaliya Oo Baadhaysa Takhasusaadka Dhakhaatiir Ajaanib Ah

Abdiaziz Bnnstaff

Cabdiraxmaan Cabdishakuur: “Dastuur Hadii La Dhameystiro Jilib Ma Tegi Kartaa Dowladdu, Muuse Biixi MaKa Hortistaagayaa Heshiiska Itoobiya ?

Abdiaziz Bnnstaff

16 Qof Oo Turki Ah Ayaa Is Qalay Halkii Ay Xoolo Ka Qali Lahayeen Ciidal Adxada Iyo Sababta Keentay Arintaasi

Abdiaziz Bnnstaff