Doorashada Mareykanka: Maxaa Ka Hadhsan Ku Dhawaaqista Natiijada?

Tirinta codadka shalay oo Khamiis ahayd wax weyn kama beddelin halka haatan la kala marayo, weli gobollada harsan looma saadaalin karo Donald Trump ama Joe Biden. Balse Dimuqraaddiyiinta ayaa u muuqda kuwo dhanka guusha u dhow.

Waxaa indhaha lagu wada hayaa gobollada Pennsylvania, Georgia, Arizona iyo Nevada.

Isagoo u muuqda qof murugeysan, isla markaana diiday in su`aalo la weydiiyo, ayaa Madaxweyne Donald Trump wuxuu mar kale sheegay in lagu shubtay doorashada balse wax caddeymo ah ma bixin.

Waxaa diiradda la saarayaa afar gobol oo lagu hardamayo:

Georgia: Trump ayaa weli ku horreeya, balse tirada ayaa hoos u dhacday 90% -18,000 oo gelinkii hore ee shalay uu ka heystay, haatan wuxuu ka heystaa 1,800.

Nevada: Biden oo gobolkaas ka heystay 8,000 wuxuu haatan marayaa 11,000 codad ah.

Pennsylvania: Trump ayaa shalay gelinkii hore ka helay 160,000 codad ah. Balse markii la tiriyay codadka boostada la soo dhigay, waxayse hoos ugu dhacay 25,000, iyadoo 220,000 oo codad ah ay weli harsan yihiin.

Arizona waa halka keliya ee uu rajada fiican ka qabo Trump. Hoggaanka Biden ee gobolkaas ayaa hoos u dhacday shalay, wuxuu haatan ka heystaa 46,000 oo codad ah. In ka badan 220,000 oo codad ah ayaa weli dhiman in la tiriyo.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Kenya: Weerarada Al-Shabaab oo sababay hoos u dhaca waxbarasho

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Oo U Jawaabay Sheekh Jiir Oo Ka Hadlay Xadhiga Wariye Coldoon

Bnnstaff Bnnstaff

Wabixin:- Shirgudoonka Cusub Ee Golaha Wakiilada Somaliland Ma U Madax Banaanaan Doonaan Shaqadooda

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More