Madaxwayne Aad Uga Carooday Qish Lagu Sameeyay Imtaxaanka Qaranka Ee Dugsiyada Sare

Madaxwaynaha dalka Malawi Lazarus Chakwera ayaa si aad ah uga carooday qish la sheegay in lagu sameeyay imtaxaanada dugsiyada sare ee dalkaasi.

Madaxwayanha ayaa wasiirkisa waxbarshada siiyay muddo toddobaad ah in uu ku keeno ciddii ka dambeysay bixinta qishka imtaxaanka.

Qishkani baxay ayaa waxaa uu horseeday in gabi ahaanba waxba kama jiraan laga soo qaado imtaxaanada dugsiyada sare ee sanadkan la galay.

Waxaa uu sidoo kale madaxwaynaha ku baaqay in gabi ahaanba la badalo guddiga imtaxaanaadka qaranka dalkaasi Malawi.

Ardeyda ayaa dibadbax ka dhigay qeybo ka mid ah dalkaasi ka dib markii imtaxaanka waxba kama jiraan laga soo qaaday.

Qaar ka mid su’aalaha warqadahaa imtaxaanka ayaa la bixiyay taasi oo horseeday in qish baahsan uu hareeyo imtaxaanaadka dugsiyada sare.
Madaxwaynaha Malawi ayaa amar ku bixiyay in baaritaan degdeg ah lagu smaeeyo ciddii ka dambeysay bixinta qishkaasi imtaxaanka.

Madaxwayne Chakwera ayaa sheegay inay tahay wax aan la aqbali Karin in la khsaaariyo waxbarshada boqolaal kun oo ardey ah .

Madaxwaynaha ayaa diiday codsi ahaa in imtaxaanada dhawaan dib loo qoro islamarkana ay ardeyda u fariistaan.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliya Oo Kabaha La Dulmaray Xildhibaan Maareeye Iyo Mucaaridka Somalia

Bnnstaff Bnnstaff

Xildhibaannada Baarlamaanka UK Oo Ansixiyay Heshiiska Ka Bixitaanka Britain Ee Midowga Yurub

Bnnstaff Bnnstaff

Magaalooyinka Saylac Baligubadle Iyo Laascaanood Oo Ku Guulaystay Lacag Dhan 11725 Oo Dolar

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More