Borama News Network

Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Xamsa & Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika Mike Hammer.

Kulanka Wasiirka koowaad ee Xukuumadda iyo Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika  ayaa diiradda waxaa lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashi ka dhaxeeya labada dal iyo taageerada ay Dowladda Mareykanku siiso Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Ergeyga Gaarka ah ayaa kulanka inta uu socday waxa ay meel isla dhigeen arrimo dhowr ah oo la xiriira xaaladda gobolka iyo xoojinta taageerada dhinacyada kala duwan leh ee uu Mareykanku ku taageero Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga , la dagaallanka Al-Shabaab iyo xasilloonida guud ee gobolka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey dowladda Mareykanka sida hagar la’aanta ah ee ay u garab taagan tahay madax-bannaanida, iyo midnimada dadka iyo dhulka Jamhuuriyadda   Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Weerar ay dad ku dhinteen oo ka dhacay misaajida ku yaala dalka Cumaan

Abdiaziz Bnnstaff

Itoobiya: ‘Ma jirto cid naga joojin karta inaan dhaqdhaqaaqyo ka sameyno gudaha Soomaaliya’

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxda Rajiimka Ah Sidii Aanu Dalka Uga Badbaadin Lahayn Ayaanh Iskh Bahaysanag Kaah” Gudoomiye Xirsi

Abdiaziz Bnnstaff