Faragelin Shisheeye Ayay Ka Socon La’yihiin Wada-Hadalladii Nabadeed Ee Itoobiya – Raysal Wasaare Abiy Axmed

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in “faragelin weyn oo dhanka dibadda ah” lagu hayo wadahadalka sii socda ee u dhaxeeya dowladda iyo maamulka Tigray balse uu weli rajo ka qabo in heshiis nabadeed la gaaro.

Isagoo la hadlayay Telefishinka Caalamiga ah ee Shiinaha (CGTN), Mr Abiy ayaa sheegay in reer Itoobiya ay xalin karaan arrimahooda inkastoo cadaadis caalami ah lagu saarayo xabbad-joojin. “Dabcan, haddii ay jiraan faragelin badan oo bidix iyo midig ah, aad ayay u adag tahay,” ayuu yiri Abiy.

“Waa inay fahmaan inaan arrimaheena anaga xallin karno.” Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay qabsashada ay ciidamada federaalku qabsadeen magaalooyinka Shire, Axum iyo Adwa .

“Waxaan isku dayeynaa inaan ku qancino TPLF inay ixtiraamto sharciga dalka, inay ixtiraamto dastuurka iyo inay u dhaqanto sidii hal maamul oo ka tirsan dalka Itoobiya,” ayuu yiri.

Related posts

Xeer Ilaaliyayaasha Guud Ee Somaliya Iyo Turkiga Oo Kulan Yeeshay Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen

Bnnstaff Bnnstaff

Talo Soo Jeedinta Ganacsatada Somaliland Xal Ma U Keeni Kartaa Khilaafka Siyaasadeed Ee Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiirka Waxbarashada Puntland “Imtixaanka Shahaadiga Ah Ee Waxaa Loo Sixi La’yahay Dhaqaale La’aan

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More